|

Mooshin Lagaga Doodaayo Lacag 10$ ah Oo Ay Ku Soo Rogtay W/Duulistu Rakaabka Diyaaradaha Oo La Horkeenay G.Wakiilada Somaliland.

Jan 26,2013 Hargeysa(Cadceed) – Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay warbixin ku saabsan xeerka takaaliifta ammaanka madaarada Somaliland ka dhegaysteen Gudida dhaqaalaha ee aqalkaasi.

Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa Goluhu warbixin ka dhagaysteen Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi.   Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha golaha Wakiilada xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo mudanayasha golaha Wakiilada Somaliland u akhriyey maanta wax ka badalka ay ku sameeyeen xeerka Madaarada, ayaa yidhi “Qodobka afraad ee xeerka takaaliifta nabadgalyada madaaradu waxa uu leeyahay waxa ku waajib ah dhoofe kasta oo dita tikidh diyaaradeed isla-markaana leh kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo takaaliif lacageed oo dhan $ 10 doolar”

Guddoomiye Xaashi, waxa kale oo uu soo qaaday “Guddida dhaqaaluhu waxay u dhigeen waxa ku waajib ah dhoofe kasta oo da’diisu tahay 15 jir iyo wixii ka weyn lehna kursi iyo miisaan u gaar ah inuu bixiyo $ 10 doolar, wasiirka duulistu waxa inoo sheegay in aanay inta badan ilaa 12jirka wax takaaliif ah ka qaadin, inagu galin mayno madmadow”ayuu yidhi.

Sikastaba ha ahaatee Golahaasi ayaa maalinta berito gudo geli doonaan ka doodista xeerkaasi iyo waxyaabaha uu xambaarsan yahay.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa, Somaliland.

Comments are closed