|

“Madaxweyne Ma Isweydiisay Waxyaalahan Qarankii Fashiliyay Ee Talaabo Kasta Oo Aad Qaado Guuldarada Ku Keenaysa”Mudanayaasha Golaha Guurtida

Jan 14, 2013 (Cadceed) – Golaha guurtida ayaa siyaasada arrimaha gudaha ee dalka ku tilmaamay mid marxalada ay maraysaa tahay meel halis ah, xukuumada Madaxweyne Siilaanyana ku eedeeyay inay ku fashilantay xalinta khilafyada cakiran ee dalka ka taagan, kuwaas oo tilmaamay in xaalada nabadgalyada dalka heerka ay marayso laga dheehan karo shaqaaqooyinkii nabadgalyo daro ee caasimada Hargeysa ka kala dhacay.

Golaha guurtida oo shalay dood kulul ka yeeshay siyaasada arrimaha gudaha iyo khaarajiga, oo ah qodobka 2aad ee ajandaha kalfadhiga 49aad ayaa mudanayaasha golaha guurtidu sidoo kale waxay gaashaanka ku dhufteen wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo ay ku tilmaameen mid aanay wax midho dhal ahi ka soo bixin, taas darteena ay doodahooga ku soo jeediyeen xeerkii mabnuucayay ka qaybgalka shirarka Somalia ee la laalay dib loo soo celiyo.

Fadhiga shalay ee guurtida oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi Siciid Jaamac Cali ayaa ugu horayn waxa madasha fadhiga doodiisa ka dhiibtay Md Dayin Xasan Boobe, waxaanu doodiisa ku bilaabay “Waxaan soo jeedinayaa maadaama wadahadal aynu la galnay Somalia ay noqdeen hal bacaad lagu lisay waa in xeerkii mabnucayay ka qaybgalka shirarka Somalia aynu dib u furno oo qofkii reer Somaliland ah ee ka qaybgalka shirarka Somalia loo qabto loo aqoonsado inuu yahay dambiile qaran, xaga nabadgalyada dalka hadaynu eegno wsaxaa inagaga filan xaaladaha caasimada ka taagan ee ciyaarihii gobollada looga baqay arrimo nabadgalyo in lagu qato Hargeysa Stadium, waa nasiib daro madaxweynuhu meelkasta oo xaalad nabadgalyo daro ka dhacdo wsasiiro ayuu u diraa, baalashii qarankani ku duuli jirayna wuu ka leexday, iska daa waxay kordhiyaane nabadgalyo daro ayay sii abuureen, madaxweyne 1. shaqaaqadii Kalshaale wasiiraad u dirtay walina waaa sidii 2. tii Ceelbardaale ayaad u dirtay iyaduna halkii bay taagan tahay 3. xiisada Saylac ayaad u dirtay waaxay keentay in lagu mudaharaado 4. waftigii Boorama waa tii gaadiidka laga jajabiyay, madaxweyne ma isweydiisay waxyaalahan qarankii fashiliyay ee talaabo kasta oo aad qaado guuldarada ku keenaysa” Md Maxamuud Xareed Rooble ayaa isaguna ku dooday “Dhibaatada ina haystaa waxa weeyi sharcigii aynu dhiganay ayaan lagu dhaqmayn, oo arrin kasta oo sharci qabiil baa lagu salaynayaa, maayaradii iyo badhasaabadii ayaa reero lagu qaybsanayaa, waa in badhasaabada gobollada laysku shaandheeyo oo ninkasta la geeyo gobol aanu ka soo jeedin” Md Caydiid Cabdi ayaa isaguna ku dooday “wadahadaladii Somalia aynu la galnay haddii ay noqdaan kuwo midnimo Soomaaliyeed lagu doonayo waxba yaanu wakhti inagaga lumine ha laga joogo si aanay wado halaq inoogu noqon” Md Farxaan Ciise Ubaxle, waxa uu ku dooday “Waynu ognahay dadka maalin kasta Bilaysku ay Rasaasta kala hortagayaan eek u dhimanaya gobollada dalka, waa in la xaliyo xiisadaha ka taagan dalka oo laga hawgalo, inaga iyo Somalia-na cir iyo dhul baynu isku jirnaaye yaynaan waakhti ku lumin wada hadalada” Md Axmed Muuse Obsiiye ayaa isaguna ku dooday “Wada hadaladaa Somalia lala galay iyo kuwa dambe ee lala galayo waxaanu leenahay Somaliland wax dan ah oo ugu jirtaa ma jirtee xukuumadu dib hawga noqoto, haddii wada hadal lala yeesho dawlada Somalia ee taagan midnimo Soomaali-weyn ayaanu rabnaa waxay keenaysaa in madaxweyne Siilaanyo maamuus ka xayuubin uu ku mutaysto”.

Source: Haatuf

Comments are closed