|

Madaxweynaha Somaliya Oo La Kulmay Madaxweynaha Sudan & Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada-hadleen

Jan 2, 2012 Sudan(Cadceed) – Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalad Khartuum ee xarunta dalka Sudan oo uu madaxweynaha Somaliya safar ku joogo.

Madaxweyneyaashan ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo door ah oo khuseeya xidhiidhka labada dhinac ee Somaliya iyo Sudan.

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin lacag dawladda Sudan u daabacayso Somaliya, xidhiidh nabadgelyada, Waxbarashada iyo dhinacyo kale oo ah sidii ay u dhex mari lahaayeen labada dal, waxaanay ku dheeraadeen labada dhinac sidii ay u xoojin lahayeen xidhiidhka ka dhaxeeya wadamada ay masuulka ka yihiin.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa dalabyo kala duwan u gudbiyey madaxweynaha dhigiisa ah ee Somaliya waxaanu ka dalbaday in ay dawladda Sudan gacanta ku hayso lacagta ay Somaliya u daabacday tan iyo inta la helayo dhismaha Maaliyadda dalkiisa, iyada oo uu sidoo kale madaxweynuhu ka dalbaday dhigiisa inay Sudan ka mid noqoto wadamada gacanta ka gaysanaya dib u dhiska Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa safar ku jooga dalka Sudan maalintii labaad, waxaana la filayaa in wakhtiga uu ku sugan yahay dalkaasi yeesho kulamo kala duwan oo khuseeya arrimaha dalkiisa.

Bille Yusuf Maxamed
Cadceednews London

Comments are closed