|

Madaxweynaha Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Warshad Kuwa Buugaagta Ah Oo Laga Hir Galiyey Hargeysa(Sawirro)

Jan 5, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray warshad soo saareysa Buugaagta ardaydu wax ku bartaan, taasi oo laga hirgaliyey Caasimada Hargeysa.
Munaasibad balaadhan oo lagu furay warshadan oo xarunteedu tahay bariga Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Madax badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro, xildhibaano, Guddoomiyayaasha Axsaabta siyaasada Qaranka, Ganacsato iyo dad kale oo faro badnaa.

Mulkiilaha warshada Aadan Axmed Diiriye (Adan Baradho) oo Munaasibada furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ayaa tilmaamay in wershadani tahay tii nooceeda ugu horeysay ee Somaliland laga hirgaliyo ee soo saaraysa Buugaagta, isaga oo sheegay inay rajaynayaan inay balaadhiyaan oo ay mustaqbalka ku daraan agabyo kale oo laga dhalin doono hadhaaga buugaagta.
Xaaji Aaden Baradho, waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey Marxaladihii kala duwanaa ee warshadu soo martay ka hor intaan la rakibin ee aanay hawl-galin, isaga oo ka mahad-celiyey tasiilaadka xukuumaddu u samaysay si ay u hirgaliyaan warshadan.

Xaaji, waxa uu fariin u diray ganacsatada dalka, waxaanu ka dalbaday in aanay ka daba keenin warshad la mid ah tan ay maanta hirgaliyeen ee Buugaagta soo saaraysa, maadaama buu yidhi ay jiraan fursado badan oo ganacsatado ka faa’ideysan karaan, isla-markaana aanay marin dariiqa ay shirkada ama warshada AADCO oo kale oo aanay keenin warshad buugaag soo saarta.Munaasibada xadhiga lagaga jaray warshadan oo ay ka hadleen Wasiirro uu ka mid ah Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyayaasha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, ayaa waxa isaguna hadal ka jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, waxaanu Mulkiilaha ku bogaadiyey keenida dalka ee warshadan.Madaxwayne Siilaanyo oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa farxad weyn ii ah inaan maanta ka soo qayb-galo xaflad warshadan, waxaan hambalyo aad iyo aad ah u jeedinayaa Mulkiilaha WarshadaXaaji Aaden (Aaden Baradho) oo dedaal aad u weyn qaaday, dalkeenu waa dal dariiqii horumarka ku jira oo u baahan inuu horumar sameeyo oo u baahan warshadayn oo u baahan inuu tallaabooyin cadcad ka qaado horumarinta dhaqaalaha, had iyo gooraalane dadka wax soo saarka leh ayaa umaddaha horkaca, kuwaasina in la dhiirigaliyo ayay u baahan yihiin oo wixii loo qaban karo loo qabto ayay u baahan yihiin, anagu haddii aanu nahay dawlada mar walbaanu waxaanu diyaar u nahay wixii dhiirigalin iyo wax la qabasho”

Madaxwayne Siilaanyo waxa kale oo uu soo qaaday “Dadku iyagaa dalkooda horumariya, markaa warshada aynu furitaankeeda halkan u joognaa waa mid dadka iyo dalkuba u baahnaa, waxaanan hambalyo ugu soo jeedinayaa mulkilaha iyo intii kale ee ka hawlgashayba, anaguna wixii waajibkayaga ah waanu ka gudan doonaa”ayuu yidhi.

Cadceednews Hargeysa

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey