|

Hargeysaay Hooyadi Fankaay Ma Sidaasa Kuu Danbaysay ? W/Q- Adan Jama Kahin

Asc, waxan halkan marka hore ka salaamaya dhamaan akhristayasha maqaalkan meelkastoo ay kala joogaanba. Hadaba akhristaw maqaalkani wuu ka duwanyahay kuwii hore aan kaga hadli jiray dhinacayada ganacsiga iyo siyaasada labadaba , mawduucani wuxu ku saabsanyahay soojireenkii dhaqanka iyo fanka Somalida.

Waqti lagu qiyaasay ila 1940 nadii in ku dhaw ayay ahayd markii ugu horeysay ee uu fanku ka hana qaado manadaqada Somalida. Waqtiga sida la sheegay ciyaar miyi mooyane wax heesa ah ma jirin. Dadka magaaloyinku gabaya uun mooyaane may jirin heeso la dhegaysto oo laxan iyo music leh. Sida laga soo wariyay Abawaano ay ka mid yihiin Ali Sugule iyo dhinaca isna Koonfurta Somaliya Fananka Ahmed Naji Sacad. Dadku bariga waxay ku heesi jireen heesaha carabiga ah iyo kuwa hindiga ah kuwaaso had iyo jeer laga maqlijiray dadkii ka soo jeeday dalalka oo ganacsi ku haystay bariga gayiga somalida.

Hadaba isla sanadaha aan kor ku soo sheegay waqti u dhaw aya Abwaan Abdilahi Qarsha oo ah Aabaha fanka Somaliga ah wadanka yimi khasataan Hargeisa, markasu isagu noqday ninkii ugu horeyay ee heesaha somaliga u sameeya laxan iyo music- kaba , isla markaana ka dhigay heeso la dhegaysto sida kuwa kaleba ee dadka kale ee caalamku dhegaystaan.. Waqtiga waxa la sheegay inay rag badan oo ay ka mid ahayeen Abdi silimo, Ismail cagaf, Guduuda carwo iyo qaar kaleba ay ka mid noqdeen kuwii hormoodka ka ahaa kobaca heesaha somaliga.

Sidaan la wada soconaba waxa bilaabmay heesihii loo yaqaanay Qaraamiga oo ah heeso aad laxankooda iyo sida ay u dhacayaanba aad mooda marnaba qaar aan laga xiiso dhacayn sida taarikhihi iyo ilbaxnimadii masaaridi ka tageen oo kale. Waxa kale ee uu sheegay Fananka Ahmed Naji oo ka mid ahaa fanaanti ugu caansan Koonfurta somaliya mar uu waraysi siiyay warbaahinta inay dhegaysan jireen barigii hore heesaha laga soo daayo Radio Hargeysa ee somaliga ah kadibna ay ku dayan jireen oo ay dib ugu heesi jireen, taasina waxay ku tusaysaysa sida ay hormoodka ugu ahaayeen Kooxda marka ka unkuntay Hargeysa. Waxa halka ka sii anbaqaaday kooxdii loo yaqaan walaala Hargeysa oo aynu garanayno fanka somalida meesha ay gaadhsiiyeen.

Marka maanta la eego degaanaansha hargeysa ee 20tan kii sanee ugu danbeeyay, heeso aad istidhaahdo waa kuwaana dhegaha u roon anigu kuma arag mid mid mooyane. Heesaha ka soo baxa halka waxay noqdeen waa wada qoriyoo qori la qaato male. Waxan uga jeeda waa la heesaya laakiin wax dhadhan ah oo la sheego maleh ha noqoto dhinaca laxanka, garaacitaanka kooxda oo aan jirinba iyo dadka heesaya oo aan ahayn dad la soo xulay ee ah dad iskood u yimi goobta. Aduunyada qof imtixaan la´an ku soo baxa majiro, barigii horena qofka heesaya imtixaan codkiisa lagu eegayo aya laga qaadi jiray waxaa aan sheegayna waxay keentay taya la´anta ka muuqanaysa maanta fanka Hargeysa oo ahaan jirtay hooyadii fanka qarni ka hor iyo dalkaba.

Hadaba halkay sartu ka qudhantahay waa halkee. Run ahaantii anigu ma garanayo dal markay fanaaniintu heesayaan qofkaliye u garaaco Organ ama Piano keligiii. Aan kuu kala sheege Musica habka loo garaaca aduunyadan aan ku noolahay, waa qaab kala duwan.

1- Kan hore waxa la yidha (Classic Music) kaasi waa heesaha standardka ah sida kuwii aan dhegaysan jirnay baryihi horeba tusaale ahaan heesaha waxa ka mid ah sida heesta Baladweyne oo kale, waan kuu waramaya, maalmaha qalooca iyo qaar kale ooy dhamantoodba ay u qaraaceen Hobaladi Waaberi.

2- Tan labaad waxa loo yaqaan (Pop Music) kuwaasi waa heesaha fudud sida kuwa lagu ciyaaro qoob ka ciyaarka oo kale tusaale ahaan aan u soo qaato heesihi uu Fananki Zulfa sida doonba maraysa bada, geedi shaambaw, waxakale uu zulfa ku heesay heesa uu qaadi jiray ala ha u naxariiste Fananki Hassan Diriye waxa soo raaca iyana Zeynabay uu ku luqeeyo imika AbdulJabar Alkhaliji ama.

3- Waxa jira qayb kale oo ah heesaha laga qaado Night clubs ama oo ah meelaha lagu caweeyo iyo Xafladaha. Kuwaa badana waxay saaraan heesaha CD kuwaso uu hago qof heesaha lagu ciyaara ee qoob ka ciyaarka ah yaqaan loona yaqaan, waxana loo yaqaan qofka (DJ).

Hadaba ta maanta lagagaheesaha Hargeysa iyo meelaha kale oo gayiga somalida ah ka mid ahba , waxay u badanyihin qaar uu qofkeliye garaaco keligii isaga oo isticmaalaya qalabka loo yaqaan Organka ama Piaano isaga ku doodaaya halkan bay wax waliba ku jiraan. Taasoo runta ka fog xaqiiqada dhabta ah, waayo de qofkeliye ma wada garaaci karo musigii noocyadiisi kala duwana. Aan ku sheege hadaba meesha ay waxan ka yimaadeen waa qurbaha somalida degan , kuwaasoo isticmala qofkeligii oo organ u garaaca sababtuna waxa weeye koox dhan oo qalabkii oo dhan wadata heli kari maayaan oo duruufta ku keliftay caynka. Hadaba suaa´asha meesha taala waxa weeye kuwa maanta Hargeisa iyo gayiga somaliya joogaa maxay ugu dayanayaan dadkan qurbaha een dad u garaaca music haysan , taasina runtii waa nasiib daro waxanay ka mid tahay asbaabaha heesihi u qiimaha dhaceen , tayadi heesaha iyo dhanankii musigana meesha ka baxay.

Waxa aynu ka sheekaynay oo dhami waxay keenen inay maanta Hargeisa oo ahayd hooyadii fanka maanta ka arado fankii, kuwiii heysayayna ay noqdaan waa wada qoriyoo qori laqaata male. Taasoo ah waad maqlaysay heesa la soo alifay kuwaasoo aan cod la jeclaysto lahayn , laxankii iyo koox garaacda musiga oon meesha joogin. Waar bal milicsada inta qof ee Soodaanta Musiga fanaanka u garaacaysa waxad ku qiyaasi ila 15 qof oo mid walba qalab nooc gaar ah garracaayo, waxaasoo dhami dhadhan gaara ayay siinaysa qaabka heesaha loo garaaco.

Ugu danbayn waxan dadka fanka jecel ku baraarujinaya in ay dib u eegan qiimaha fanka uu lahan jiray, soona celiyaan sumacad Hooyada fanku ku lahaan jirtay geyiga Somalida iyagoo abuuraya koox garaacda music oo ku qalabaysan qalab kala duwan. Waxan int ugu daraya inay nasiib wanaag maanta Hargeisa uu Joogo Fananka Rashiid Bulo oo ay Fransiisku bareen sida loo garaaco (Violine) ma waxay soomalidu u taqan isqasha oo runtii Music marka lagu garaacayo aad u macaanaysa, waxan dadka kula talinaya inay ka faaiidaystan Rashiid Bulo . Sida imika socota oo khasab igu dhegayso ah waxba ma haye waxay keeni doonta in dadku ay heesaha somaliga ka niyad jabaan una wareegan heesaha kale , marka danbe heesaha ajaanibka sida kuwa soodaanta oo kale oo la dhegaysto. Dhalinyarada ku nool hooyadii fanka waxan leeyahay isku daya inaad habkan qofka keliya uu garaacyo aad bedeshaan una diga rogta koox wax garaacda taasana keeni karta in la helo heeso taya leh oo la dhegaysto. Waxanse indhahayga qabteen koox la magic baxday Fankii hore oo Hargeysa ka bilaabatay kuwaasoo ay ka mid yihin Mustafa caydiid iyo rag kale. Kooxdaas oo ku qalabaysan qalabka musica sida Kamanka, violinta (isqasha la yidha), durabaan iyo musica kala baxaa ee laabta la saarto. Runtii musica markay garaacayan iyo markay ku heesayaanba waxad xasuusanaysa kooxda la odhan jiray Walaala Hargeysa. Waxan ku goorinaya in kooxda cusuba fanka wanaagsan halka ka sii wadaan.

Mahadsanidin.

Adan Jama Kahin

Qoraa wax ka qora arrimaha Geeska Afrika.

Comments are closed