|

Dhageyso Radio Cadceed: Md. Ismaaciil Geedi Xareed “Nimankaas Dalka Jabuuti Baabiiyay, Ee Keenay Dhibaatada Dhaqaale, Caafimad Iyo Gaajadaba Waa In Laga Eryaa”

Jan !4, 2013 (Cadceed) – Waxaan wareysi xiisa badan la yeelanay madaxa dalada mucaaradka Jabuuti (UAD) Ismaaciil Geedi Xareed ahna madaxa xisbiga UDJ oo kaa mid ah dalada UAD.

Ismaciil Geedi Xareed waa siyaasi ruug cadaaya oo ka tirsan mucaaradka dalka Jabuuti. Wuxuu horey u ahaa Agaasimihii Xafiiska Madaxweyne Guuled, jagadaas oo loo magacaabay 27juun 1977, wuxuuna jagadaas ka tagay 1997-kii markaas oo ay iska horyimaadeen Madaxweyne Guuleed oo markaa u gogol xaadhaayay sidii Ismaciil Cumar Geele oo Geedi ka hoos shaqaynaayay u badili lahaa Guuleed. Ka dib Geedi Xareed wuxuu noqday mucaarad ka soo horjeeda xukunka madaxweyne Geele. Wuxuu aas-aasay ururka siyaasadeed ee UJD. Ka dib wuxuu noqday hogaamiyaha dalada mucaaradka jabuuti oo ay ku bahoobeen dhowr xisbi iyagoo la baxay magaca UAD (Ururka Isbadalka Dimuqaraadiyada).

Geedi wuxuu intii uu Guuleed la shaqaynaayay ahaa gacan yaraha Madaxweynaha ee kalidii awood u leh inuu magaca madaxweynaha wax ku saxeexo, waana khabiir dhinaca maamulka dawliga ah isagoo sanadadii gumaysiga ahaan jiray Kormeeraha Guud ee Wasaarada Shaqaalaha.

Halkan Guji Oo ku Dhageyso Mobile-ka Gacanta
Kala Soco Shabakada Caalamiga Ah Ee Cadceednews Warar Sugan Iyo Wareysiyo Xiiso Badan, Iyo Waliba Baahinta Codka Shacabka Jabuuti Ee Qarsoon

Comments are closed