|

Dawladda Ingiriiska Oo Danayneysa Inay Mar kale Dhexdhexaadiso Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia & Nuxurka Kulamo Wasiirrada Khaarajiga Laba Dal la yeesheen Madaxda Dalkaas


Jan 6, 2013 London (Cadceed)- Wasiirrada Arrimaha Debedda Somaliland iyo Soomaaliya Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Marwo Foosiya Yuusuf X. Aden, ayaa dhammaadka todobaadkii hore kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan dalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo dhiggiisa Soomaaliya oo labadooduba booqasho ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa Khamiistii todobaadkii hore magaalada London isla maalin kaliya kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Afrika u qaabisan Ingiriiska Mark Simmonds iyo Wasiirka Arrimaha debedda Ingiriiska William Hague.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa Khamiista todobaadkii hore magaalada London kula Kulmay Wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mark Simmonds oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Kulanka labada Wasiir oo ku qabsoomay Xafiiska Khaarajiga iyo Barwaaqo Sooranka ee magaalada London, waxa uu Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska faahfaahin ka siiyey doorashooyinkii deegaanka ee dalka ka dhacay, waxaanu Wasiirka uga mahadceliyey taageerada Boqortooyada Ingiriisku u fidiso Somaliland, caawimada ay ka geysato dhinaca ammaanka iyo weliba taageerada qabsoomidda doorashooyinka. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa sheegay in Somaliland diyaar u ahayd sii ambaqaadka wada-hadalladii u socday Somalia oo wakhtigan dawlad shaqaynaysaa ka jirto.

Mr Simmons, Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriisku, waxa uu sii xoojiyey ballan-qaadka dawladdiisu Somaliland kaga taageerayso dhinacyada horumarka iyo Guulaha dhinaca hirgelinta dimuqraadiyadda, waxaanu sheegay in Dawladda Ingiriisku ku faraxsanaan lahayd inay dhex-dhexaad ka noqoto wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya marka ay labada dhinac u diyaar-garoobaan sii-ambaqaadka wada-hadallada.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa Khamiista ee todobaadkii hore la kulantay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Dalkaas William Hague.

Marwo Foosiya Yuusuf oo booqashadii u horreysay ee ay debedda ugu baxdo ku tagta Dalka Ingiriiska, ayaa kulan saacado qaatay la yeelatay dhiggeeda dalka UK oo ay ka wada hadleen arrimo khuseeya dhinacyada nabadgelyada iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Xog-hayaha arrimaha dibada Ingiriiska William Hague oo warbaahinta la hadlay kulanka labada dhinac dhexmaray ka dib, ayaa sheegay in Soomaaliya bilihii u dambeeyey horumar la taaban karo ka samaysay dhinacyada Siyaasadda iyo ammaanka, Alshabaabna laga saaray magaalooyinka waaweyn.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Soomaaliya waxa ay dhankeeda soo bandhigtay qorshayaasha dawladda Somalia to xakamaynayso caqabadaha horyaala horumarinta ammaanka, kor u qaadidda cadaaladda, la-dagaalanka musuq-maasuqa, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Socdaalka ay dalka Ingiriiska ku joogaan Wasiirrada Arrimaha Debedda Somaliland iyo Somalia, ayaa u muuqda mid loogu gogol-xaadhayo wejiga saddexaad ee Wada-hadallada loo ballansanaa in labada dhinac isku waajahaan, iyada oo dawladda Ingiriisku danaynayso inay mar kale goobjoog ka ahaato ama dhex-dhexaadiyo wada-xaajoodka labada dawladood.

Cadceednews Desk

Comments are closed