|

Dardaarankii Iyo Erayaddii Ugu Dambeeyey Ee Ka Soo Baxa Afka Shahiidkii U Dhintey Qadiyadda Saylac By Abdirisaq Mohamed Barkhad

Barta Internetka gaar ahaan baraha Facebook-ga ayaa dhawaan lagu shaaciyey qaabkii uu u dhintey Mujaahid Jimcaale Cabdi Maxamuud oo toddobaadkii hore u shahiidey qadiyadda Saylac.

Facebook waa madal kulmisa barbaarta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed halkaas oo ay kala kulmaan waxyaabaha cusub ee ku soo kordha Caalamka oo dhan dhinaca kalena waxa ay goobtaas dhalinyaradu isku waydaarsadaan afkaaro iyo fekrado kala duwan oo ay ku cabirayaan nolosha adduunka qeybaheeda kala duwan.

Haddaba mid ka mid dhalinyaradii ay saaxiibka ahaayeen Mujaahid Jimcaale Cabdi Maxamuud ayaa madashaas ku soo bandhigey dardaarankii iyo erayadii u dambeeyey ee ka soo baxa afka Mujaahid Jimcaale sidaas darteed waxaan isku dayey in aan wiilkaas la xidhiidho nasiib wannaagna waxaa ii suurto gashey in aan la yeesho wareysi ku sahabsan qaabkii uu u shahiidey Marxuum Jimcaale Cabdi Maxamuud.

S: Walaal marka hore bal waxaad iiga warantaa aqoonta aad u laheyd Mujaahid Jimcaale?

J: Jimcaale AUN wuxuu ahaa saaxiibkey isku xaafad baan aheyn labbo dugsi oo kala duwan baan dhigan jirney laakiin waxaan aheyn isku koox oo waxaan galab kaste wadda ciyaari jirney kubada cagta.

S: Waxaad baraha Facebook ku shaacisey hadaladii u dambeeyey ee afkiisa ka soo baxa sidaas darteed markii uu dhimanayey adigu ma isagaad la socotey?

J: Horta guux fara badan ayaa maalmihii u dambeeyey ka jirey magaalada Borama taas oo dadweynuhu ku diidanaayeen dib u dhacii ku yimmid dhaarintii Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Saylac kadib waxaan maqalney in uu Borama immanayo wafti u socda in Saylac dadkii doorashada ku guuleystey maahee dad kale oo aan doorashada aqlabiyadeeda ku soo bixin la siinayo Maayerka iyo Kuxigeenkaba markaas dadweynaha reer Borama waxey ka soo horjeedeen faragelinta Xukuumada Siilaanyo ku haysey Xildhibaanada ka soo baxey Saylac taasina waxey keentey in dadweynuhu arrintaas ka mudaharaadaan runtii aniga, Jimcaale iyo dhammaan saaxiibadey waxaan ka qeyb qaadaney mudaharaadkii xaqa ahaa waayo raali kama aanu aheyn in dadkayagu wax aaney rabbin lagu qasbo oo kuraasta dhulkayaga dad kale lagu casuumo, runtii maalintii oo dhan waxaan si nabad galyo ah u mudahaarnaba waxa ay waftigii isku dayeen in ay xoog ku soo galaan magaalada sidda aad wadda socotaana waxaa waftigaas la socdey ninka gacan ku dhiiglaha ah ee Ina Biixi oo warbaahinta si badheedh ah uga sheegey in Beesha Ciise istaahilaan in loo gudo abaalkii ay u galeen SNM kadib markii la noo awood sheegtey ee xoog la nagu jiidhey waxaan ka war helney in waftigii duulaanka ahaa ku dagey Rays Hotel dabadeed waxaan isku urursaney 20 wiil oo Jimcaale ka mid yahay oo dhammaantood aan asxaab nahay waxaan go’aan ku gaadhney in aan nimankaas baadilka ku socdey aan ka saarno magaalada Borama.

S: Awooda aad addeegsan rabteen si aad waftigaas uga saartaan magaalada Borama maxey aheyd?

J: Runtii Abdirisaaqow awood lagu faano Illaahey baa leh ee anaga awooda aan haysaney waxey aheyd kalsooni, geesinimo iyo dhiirani aan qabney oo aan rabney in aan lana marsiin wax ummaddayadu aaney ka raali aheyn.

S: Kadib maxaad sammeyseen?

J: Sidda dhabta ah maalintaas xaalada magaalada Borama way kacsaneyd hase yeeshee markii aan go’aankaas gaadhney waxaan qaadney jidka taga Rays Hotel.

S: Markii aad Rays Hotel gaadheen maxaa dhacey?

J: Runtii dhalinyarada magaalada ku nool badankoodu waxey isku shubeen Rays Hotel waayo waxey aheyd xaalad adag oo jawigu cakiran yahay isla markaana dadka reer Borama yar iyo weynba shucuurtoodu aad u kacsaneyd laakiin markii aan anagu gaadhney Rays Hotel waxaan aragney askar fara badan oo Hotelka harreerihiisa illaalinaya dabadeed qaar naga mid ah ayaa cabsi gashey oo yidhi waxaa laga yaabaa in ay ina dilaanee halkaas ha u dhaafina kadib waxaa nala hadley saaxiibkey Jimcaale oo yidhi saaxiibayaal dhimashadu maxey sheegeysaa sownaga tahriibkaba bilaash ugu dhimana waxa kale oo uu nagu yidhi muxuu sheegayaa dayrkan yar ee Rays Hotel iyo askartan ku harreesaysan ee Ina Biixi naf moodey waar ina marsha haddii la ina dilana dhulkeenaan u dhimaneynaaye.

S: Taladaas calool adeyga laheyd ee saaxiibkiin idin siiyey miyaad ku dhaqaaqdeen?

J: Markii uu Jimcaale sidaas nagula taliyey waan dhaqaaqney dhagaxaan baan guraney waxaannan billowney in aan u dhaqaaqno dhankii Hotelka oo sheeda nooga muuqdey wax yar kadib Jimcaale wuxuu arkey qof ka mid ah dadkii kale ee mudaharaadayey oo askari la dhacayo qori dabadii wuu ku ordey si uu uga rido walaalkiisa xaqu dirirka ah laakiin waxaa dhabarka ka toogtey mid ka mid ah askartii kale ee meesha joogtey kadib dhulka ayuu Jimcaale ku dhacey markaas baan dhammaantayo is kala garan wayney oo aan dhankiisii u oradney.

S: Sidee ayey ahey xaalada Jimcaale markii uu dhulka ku dhacey, idinkuse maxaad sammeyseen?

J: Runtii Jimcaale markii uu dhulka ku dhacey muu aheyn qof qaylinaya amma cabaadaya hase yeeshee markii aan soo dul joogsaney wuxuu nagu yidhi waar aniga ha i eegina ee wadda mudaharaadka iyo muujinta dareenkiina iga dul taga illaa inta aan Saylac warkeeda cadeyneyno.

S: Kadib maxaa xigey?

J: Dhammaantayo waan istaagney jahwareer baa nagu dhacey xaalada iyo dhaawaca uu saaxiibkayo ku sugan yahay isagga oo waliba dhiig baxaya ayaa nagu adkeyd waxaase markaa naga garab dhawaa gaadhi uu saaran yahay Taliyaha qeybta Booliska Borama oo ah nin Isaaq ah oo lagu magacaabo Ilka Case waxaan ku nidhi waar wuu dhiig baxay ee noo qaadda oo dhakhtarka noo gaadhsiiya, waan qaylineyney waayo xaalada ayaa nagu xumeyd oo wax kale oo aanu sammeyn kareyney may jirin laakiin ninkaasi nagamuu nixin noomana joojin oo waxa uu nagu yidhi waar meesha ka kaxeeya isagga oo amar markaas ku siiyey Booliskii naga garab dhawaa ee Hotelka illaalinaysey in ay na kala darreeriyaan, Booliskiina waxey nagu yidhaahdeen waar ordoo dhankaa dhakhtarka u jiita dhaawaca.

S: Maxaad sammeyseen markaas?

J: Waxaan go’aan ku gaadhney in aan gacmaha ku qaadno illaa dhakhtarka weyn ee Borama waan la orodney waxaanan sii handaafineyney illaa inta u dhaxeysa Rays Hotel iyo dugsiga Aadan Isaaq oo markii hore la odhan jirey Xaawo Taako, runtii intaas oo dhan Jimcaale wuu dhiig baxayey laakiin markii aan dugsigaas soo gaadhney waxaan helney gaadhi noo qaada oo nin reer Borama ahi watey waxaa sii raacey dhawr wiil oo asxaabtayada ah sidii baa lagu geeyey Cusbitaalka.

S: Markaa idinku miyaad ka daba tagteen mise xaafadihiinii ayaad qabateen si aad warka dhiilada leh u gaadhsiisaan?

J: Walaal maya anagu Hotelkii baan dib ugu laabaney si aan halkii uga sii wadno mudaharaadkii illaa iyo inta uu waftigu ka baxayo magaalada Borama laakiin wakhti aan saacadda ku qiyaasey toddobadii habeenimo anaga oo wali ku sugan agagaarka Rays Hotel ayaa la noo sheegey inuu Jimcaale geeriyoodey, mar kaliya waxaa maskaxdayada ku soo dhacdey markuu nagu lahaa ”Waxaanu si billaa macni ah ugu dhimanaa Tahriibka ee u dhinta dhulkiina” Waa hadal geesinnimo leh, Illaahey ha kuu naxariisto Saaxiibkey Jimcaalow, Geesigaan jeclaayow waan sii wadeynaa halganka illaa aan ku garab imaneyno.

Fiira gaara:- Wiilku wuu ilmeeyey intaas wixii ka dambeeyeyna waan sii waddi karri waayey wareysiga.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Email: rasiiqi07@hotmail.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey