|

Walaal Soo Caawi Aabe Jidhkiisa Dubku Ka Daadanayo Oo Ku Dhibaataysan Borama Dana Ay Hayso. Video + Sawiro


Feb 2, 2013 Borama(Cadceed) – Waxaa laga codsanayaa dhamaan Walaalaha muxsiniinta ah ee ka shaqeeya khayraadka jecelna inay walaalahood caawiyaan, bukaan dubku ka dhacaayo jidhkiisa islamarkaana ahaa nin ku xoogsan jiray xoogiisa oo jidhkiisii dubkii sare ka daadanaayo kuna sugan xaalad adag oo ah mida la iskagaga naxo.

Xanuunka haya bukaankan waxa uu sababay inuu ku waayo Aragtida & Maqalka labadaba, Bukaankaan xanuunsanaya waxaa lagu magacaabaa Barre Xasan waxuuna u baahan yahay gacantaada naxariista leh walaal si loogu helo Dhaqaatiir Caalami ah oo ALLE SW ka sokoow wax ka qabata xanuunka haya.

Waxii Tabarucaad ah Kala Xidhiidh: 002522-4502777 Ama Ugu Dir ZAAD – 4502777 Boorama


Cadceednews Borama

Comments are closed