Daawo Sawirada Qurxoon:Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Balaadhan Oo Ay Ugu Dabaal-degayeen Wanqashooda Ku Qabtay Borama

Jan 3, 2013 Borama(Cadceed) – Xisbiga Wadani oo ka mid ahaa Sadexdii xisbiqaran ee ku guulaystay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka qabsoomay dalka 28,11,2012 oo ay dhawaan la ansixiyay xisbinimadooda ayaa waxaa ay maanta ku qabsadeen magaalada Boorama xaflad loogu wanqalaayo xisbinimadooda.
Xafladani oo ahayd xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay siyaasiyiin, waxgarada, Salaadiin, Cuqaal, Haween, dhalinyaro, Taageerayaasha xisbigaasi ee gobalka Awdal, Masuuliyiinta xisbiga Wadani ee heer degmo,Gobalk iyo Qaran, Masuuliyiinta xisbiyaa Kulmiye iyo Ucid ee gobalka Awdal iyo gudoomiye ku xigeenkii urursiyaasadeedkii Umada.
Waxaana munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin farabadan oo ka soo qaybgalay waxaanay dhamaantood ku hanbalyeeyeen farxada ay u samaysteen xisbiga Wadani
Wariye: Maxamed C/laahi Dabshid
Cadceed.com Borama Office.
































