BAAQ: URUR WEYNAHA GUUD DHALINYARADA QURBOJOOGA GOBALADA AWDAL AND SALAL”FUTURE YOUTH COUNCIL”
Ururweynaha future youth council oo ah urur ay ku bahoobeen in ka badan 36 urur matala dhamaan dhalinyarada qurbojoga gobolada awdal and salal shirar mihiima u socday mudooyinkan danbe lagaga Arinsanayay Arimaha ka Aloosna gobolada galbeedka somaliland kana qab qateen dhamaan xubhanaha ururka ku sugan wadamada Europe norh America Asia waxa ururku isla gartay qodobadan hoos ku qoran :
waxan Tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay banaabixii salmiga ahaa ka
Qabsoomay Boorame
waxan si buuxda u tageersanahay Go,aanka bulshada reer saylac ku cabireen dareenkooda una barbar
taagan mayorka iyo mayor ku xigeenka ku soo baxay Rabitaanka Aqlabiyada bulshada reer saylac
waxan ugu Baaqaynaa madaxweynaha dalka mudane silaanyo iyo dhamaan masuuliyiinta dalka
inay ka foojignadaan faro gelin kasta ka dhan ah rabtaanka shicibka
waxan hambalyo guud u diraynaa dhamaan suldaanada cuqaasha waxgaradka gobolada galbeedka
awdal and salal sida midaysan caqliyaysan u wajaheen qadiyada saylac ugana midhodhaliyeen
waxan ku boorinaynaa bulshada ku dhaqan gobolada Awdal and salal in la ilaaliyo nabadgelyada
xasiloonida iyo wada noolashaha beelaha walaalaha ku dhaqan degaanka
in la ilaaliyo qaynuunka iyo sharciga dalka u yaala lagana fogaado wax kasta wax u dhimi kara
nabadgelyada cidii cabasho qabta marto sifooyinka sharciga ah
GUDOOMIYAHA GUUD URUR WEYNAHA QURBOJOOGA DHALINYARADA GOBOLADA AWDAL
AND SALAL FUTURE YOUTH COUNCIL
RIDWAN AHMED M GEELE
DALLAS TEXAS, USA
xubi009@hotmail.com