|

Yaa Ugu Cadcad Tartanka Loogu Jiro Jagada Mayor Nimada Ee Degmada Borama?

Iyada oo maalmihii udambeeyay uu degmada Borama ka jiray tartan hoose oo ka dhexjiray xildhibaanada cusub ee ku guulaystay ka mid noqoshada xildhibaanada golaha degaanka Borama ayaa waxa haatan soo kala cadanaysa maalinba maalinta ka dambaysa cida gacan saraysa ee la filayo in ay hantido jagada Mayornimo ee degmada boorama

Hadaba iyada oo ay horay ujireen rag badan oo jagadaa quudayay ayaa warar hoose oo aan ka helay ilo ku dhawdhaw xildhibaan Cabdi Cismaan dhegaweyne oo Kulmiye uga soo baxay golaha degaanka ee degmada Borama ay sheegayaan in uu xildhibaanku yahay ninka ugu dhaw in uu noqdo duqa degmada boorama isaga oo sida la sheegay durba hantiyay aqlabiyada xildhibaanada cusub ee golaha degaanka degmada Boorama .

Isaga oo waliba sida la sheegayo xildhibaan Dhegaweyne haysta kalsoonida iyo taageerada gudoomiyaha gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci iyo waliba xoghaya dawlada hoose ee haatan jooga Mudane Xamari.

Sida wararku ay sheegayaana labadan masuul oo gobolka miisaan culus ku leh {Xoghayaha/Gudoomiyaha Gobolka} isla markaana isku beel kasoo wada jeeda ayaa damacsan in ay ka hortagaan in uu jagadaasi hantiyo nin kasoo jeeda beesha Makaahiil taas oo hadii uu jagadaa ku guulaysan lahaa nin kasoo jeeda beelaha Makaahiil ee ay labada masuul ka soo jeedaan keeni karta in ay iyaguna wayaan jagooyinka ay haatan ku fadhiyaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne ayaa kalsooni buuxda iyo balan qaadba ka helay qaar kamid ah xildhibaanada beelaha Makaahiil ee aanu damacu ku jirin kuwaas oo sheegay inaanay jirin sobob ay ugu codeeyaan nin Makaahiila madaaba gudoomiyaha gobolku kasoo jeedo beelaha makaahiil uu xilkaana waayi karo hadii nin Makaahiil ahi noqdo duqa degmada Borama taas oo niyad jab ku noqotay dhawr xildhibaan oo kasoo jeeda beesha Jibriil Yoonis oo iyagu marka hore isa siiyay jagadaa iyaga oo aan cidnaba kala tashan isla markaana is garab yaacayay.

Xildhibaan dhegaweyne ayaa dhanka kalana haysta taageerada xildhibaanada Habarcafaan iyo waliba labada xildhibaan ee beelaha mahadcase kaga jira xildhibaanada degaanka ee cusub iyo laba xildhibaan oo aan la magacaabin oo kasoo jeeda beesha Jibriil Yoonis oo iyaga balan qaadyo iyo dhaqaalaba la siiyay

Dhanka kalana masuuliyiinta sarsare ee xukumada Somaliland kaga jira gobolka Awdal ayaa la sheegayaa in ay horayba iyagu xildhibaan Dhegaweyne ugu buuriyeen in uu u ordo jagadaas.

Hadaba Warkan oo aan ka helay ila wareedyo ku dhawdhaw xildhibaanka iyo dad kale oo arintaa u dhuun daloola ayaa haday sida loo dhigayo yihiin soo koobaya tartankii loogu jiray jagada Maayornimo ee degmada Boorama iyada oo dhinaca kalana la sheegayo in imika beesha Bahabarcelina isku diyaarinayso jagada ku xigeenka maadaaba aanay jirin cid kasoo jeeda beelaha Mahadcase oo jagadaas kula tartami kartaayi.

Isku soo wada duuboo arintu waxay haatan u muuqataa in aanay jirin tartan badan oo hadhay oo loo galayo jagadaasi Xildhibaan Dhegaweynana yahay ninka la filayo in uu noqdo duqa degmada Borama ee mustaqbalka hadii Eebe Idmo

Quljeednet.com Borama
.

Comments are closed