|

Xalku Waa Madaxweynaha Oo Soo Dhisa Xukuumad Cusub, W/Gudaha Iyo Cadaalada Oo Fashilmay. Qore: Cabdi Caraale

Marka waxaan salaamayaa dhamaan umadda somaliland, Gaar ahaan hawlwadeenada mareegta Cadceed.com, marka xiga waxa cadaatay in somaliland noqotay dal iyo dad fadhiya meel cidla ah, oo dawlad, sharci, baarlamaan, iwm oo shaqaynayaa aanu jirin, waxa cadaatay in umadda somaliland haykal dawladnimo oo ay hoos hadhsanaysaa aanu jirin, waxa jiray qaladaad aad u xun oo ka dhacay sidii loo kala reebay ururada, waxa jirey ururo lacag iyo fusuq u adeeg sanayey inay codadka dadka ku iibsadaan wakhtigii ololaha, oo gobolo iska dhan oo ayidsanaa urur ama xisbi ay kaga wareegeen lacagta la dul dhigay awgeed, waxa dhacday in waraaqaha cod bixinta markii ay dalka soo gaadheen laga saaray mid walba qayb dhan, oo cod bixinta ka dib intii laga saaray lagu badalay, kuwii dadku ku codeeyeena waxa ilaa hada laga helaa oo laga soo guraa magaalooyinka dalka oo dhan, waxa dhacday in natiijooyinkii ugu danbeeyey oo lagu dhawaaqin, ay ururo cadeeyeen in dagaal ay ridayaan hadii la reebo oo denbi qaran ah, waxa jirtay in askartii qaranka qaar ka mid ahi ay ku toogasho barteen ubadkii u soo ka caayey dalka, oo ay dhuunta ka toogteen.

Waxaas oo dhan oo dhacay, waxa isweydiin leh, miyaad maqasheen, cidbaa danbigii ay gashay lagu xidhay, cibaa danbigii ay gashay shaqadoodii ku weydey, cidbaa baadhitaan (investigation) loo furay oo uu ku socdaa, ha noqoto mid ka yimid baarlamaanka, ama mid xukuumadeed, gaar ahaan wasaarada gudaha, denbi baadhista, iyo sirdoonka, ama wasaarada cadaalada, iyo xeer ilaalinta, waa maya. waxa la moodaa in umadda somaliland ay kula dul kuftay, dhaliilihii iyo cabashooyinkoodiiba meelo qaldan, oo ah xisbiga kulmiye iyo gudida kominshanka qaranka.

Hadaba waxa dhab ah in xisbiga kulmiye aanu waxba kareen, hadii wasaaradaha gudaha, iyo cadaaladu hawshooda si hufan oo daacad ah u gutaan, oo ogyihiin in ay u shaqeeyaan qaranka, mushaharka ay qaataan yahay hantidii qaranka, oo shakhsiyaadka ay u adeegayaan ama ka baqayaan bixinin, waraaqaha codaynta oo ay u xil saaraayeena u ilaashaan si amaano qaran ah, markii ay dalka soo galeen ilaa codadka la tirinaayry, kulmiyana waxay xukuumadu u burburinaysaa sida kuwa kale, ee hala ogaado.

Waxa dhab ah in gudida kominshanka qaranku yihiin kuwa qudha ee sida ugu hufan, khibraduna ku jirto u gutay hawshooda, uguna qaladaadka yaraa, waxaana lagu soo koobi karaa, jaahwareer ku dhacay saacadihii ugu danbeeyey ee tirinta codadka iyo ku dhawaaqidii natiijada, waxaana la odhan karaa waxay gefeen , in markii ay arkeen qaladaadka xad dhaafka ee ku jira, iyo wax isdaba marinta ka muuqatay, ay kasal gareeyaan dhamaanba doorashadii kala hadhka ururada, iyo xisbiyada, ugu yaraan, soona reebaan tii degaanka uun iyo murashaxiintii ku guulasatay, gefka labaad waxa la odhan karaa, waxa ku haboonayd ku celinta codadkii hargeysa inay sameeyaa intii aanay ku dhawaaqin natiijada, jaahwareerkan waxa ka danbeeyey xukuumada oo rabtay in gudidan khibrada leh ka takhalusto, si mid kale oo iyadu soo dhistay u qabato doorashooyinka danbe, iyo waliba culayskii ururada,xisbiyada iyo murashixiinta.

XALKA LOO BAAHAN YAHAY SI LOO BADBAASHO DALKA;

1) Waa in madaxweynuhu si dhaqso ah u kala diro xukuumada, soona dhiso mid cusub.

2) Waa in labada hogaan ee guurtida iyo baarlamaankaba, sida ugu dhaqsaha badan loo bedelo, waayo waxa ka dhacaaya dalka lama oga meel ay ku danbeeyeen, gudoomiyaha guurtida waxa lagu ogyahay xanuun, isaga iyo xaji c/karimba shaqayntoodu waxay dulmi ku tahay umadda, iyagana waa ku kelifaad, waxa waajibku yahay in ay gaadhay goortii ay lacagtooda oo dhan fadhiga ku qaadan lahaayeen.

gudoomiye cirona waxa uu doortay in uu wax qabakiisii u wareejo ururkiisa, wakhtina uma hayo isku wadka labada.

3) Waa in maxakamada sare ee qaranku ku dhawaaqdaa in ay laashay furitaankii, kala reebidii, iyo kala hadhkoodii doorashada, maadaama qaladaad badani dhex socday laga soo bilaabo furitaankii, waraaqihii lagu codeeyey oo asal ah (origenal) laga helay magaalooyin badan, sidaa darteedna sharci ku soo rogto;

A) In madaama kala reebidii la laalay, sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray ay yihiin kuwa qudha ee si sharci ah dalka uga jira, murashaxiintii ku soo baxay degaankana, maadaama aanay ahayn kuwo qaran, ee ay yihiin xildhibaano ku kooban degaanka iyo magaalada, ay yihiin sharci, muhiim maaha hadii meelo ay ku kala badan yihiin, kuna kala biiraan sadexda xisbi qaran.

B) Waxa badaal noqon kara in sadexdii xisbi qaran lagu afreeyo ururka qudha ee lagu dhawaaqay in uu soo baxay ee wadani, sidaana ku noqdaan afar xisbi qaran, oo waliba looga maarmo in la qabto, doorashooyin kale.

Waxaan odhan karaa markii horeba way geftay kominshanka, golayaasha, iyo xukuumada, ee waxa haboonayd in laga dhigo xisbyada qaranka afar ama shan, sidaana looga maarmo doorashooyinka la qabanaayo tobankii sanoba mar, iyo soo laba kaclaynta qabyaalada.

QORE: ABDI ARRALE
arrale2011@hotmail.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey