|

Wasiir Duur Iyo Taliyaha Bilayska Somaliland Oo Ka Hadlay Shaqaaqadii Ka Dhacday Hargeysa Dadka Ugu Baaqay In Nabada La Ilaaliyo.

Dec 7,2012 Hargeysa(Cadceed) – Shaqaaqooyinkii maanta iyo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa gaar ahaa xaafada Axmed Dhagax ayaa waxaa ka hadashay Xukuumada Somaliland oo ay u hadlaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha bilayska Somaliland .

Hadaba Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta u waramay laanta af-soomaliga BBCda, ayaa ka digay khatarta muranka ka dhashay ee najiitadii doorashada ee xalay lagu dhaawaqay.

Wasiir Duur waxa uu sheegay in ay xukuumada ka shaqaysay sidii Sallaadiinta iyo madaxda ururka Xaqsoor u dejin lahaayeen xiisada taagan, waxaana uu dadka taageera ururka ugu baaqay in ay kicin qalalaase, isaga oo ku tilmaamay guddoomiye Muj. Xasan Ciise Jaamac yahay muj. Wadanka u soo halgamay wax badan u soo qabtay Somaliland.

Hadaba Wasiirka oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu “Runtii waxa aanu ilaa xalay (habeen hore) ka shaqaynaynay in aanu helno Salaadiinta iyo Hogaanka Urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo runtii ah nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aanu doonaynay in arrinta halkaas aanu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo.

Xasan Ciisanna waxaan leeyahay samcada haka dilinna, kuwa leh mudaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlayana waxaan leeyahay Addeer ka daaya” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku baaqay in rabshada la joojiyo nabad galyadana la ilaaliyo, waxaanu sheegay in mudaharaadyada lagu baaqay ay sii xumayn doonaan xaalada hadda oo qasan, isla markaana loo baahan yahay in ay la joojiyo xasaradaha iyo dhibaatada la abuuraayo oo laga wada shaqeeyo sidii xuquuqda shacabka iyo xukuumadaba loo ilaalin lahaa dadkuna uma baahno wax khalkhal ku abuura.

Sikastaba ha ahaatee rabshadihii oo maanta galinkii danbe istaagay ayaa hadana waxaa ay masuuliyiinta ururka xaqsoor ee uu hogaamiyaha u yahay Xasan Ciise ayaa la sheegayaa inay ilaa hada ku baaqayaan in la sii wado mudaharaadyo kuwaasi oon haatan dalku qaadi karayn.

Cadceed.com Desk

Comments are closed