|

Waddada Isku Xidha Jaamacada Camuud Iyo Gegeda Diyaaradaha Borama Oo Loogu magacdaray A.U.N Eng. Gando.

Dec 6,2012 Borama(Cadceed) – Waxaa maanta la soo gaadhsiiyay shabakada caalamiga ah ee Cadceed.com warqad ay masuuliyiinta Dawlada hoose ee magaalada Boorama ku cadaynaayaan in loogu magacdaray jidka halbawlaha ah ee isku xidha jaamacada Camuud iyo Gegada Diyaaradaha ee Boorama Eng. Maxamed Cumar oo ku magacdheeraan Eng. Gando ahaana Injineerkii Dawlada hoose ee Boorama, islamarkaasina ahaa masuulkii wadadaasi gacanta ku hayay ee rabay in uu dhiso balse ajashee eebe ay ka soo gaadha Alaha u naxariistee.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo tabinaynaa sida ay warqadani cadaynaysa in maanta oo ay bishutahay 6,12,2012 laga bilaabo ay caan ku noqonayso jidkaasi aanu kor ku soo xusnay magaca marxuun Eng. Gando oo magaca wadaduna noqonaayo Eng. Gando Raod, halkan ka akhriso warqadani iyo sida ay u dhigantahay.

Wariye: Maxamed C/laahi Dabshid.

Cadceed.com Borama Office.

Comments are closed