|

Tolkay Dhoohanaanta, Caqli Xumaa U Dheer! – W/Q. Maxamed Cirro

Waana lagu guuraa, haa tolkay waa lagu guuraa, oo waliba qolo kalaa nagu guurta. Ma nihin Awr oo aqal iyo alaab guudka kuma qaadno, mana nihin gaadhi xammuul ah, haddana si baa naloogu guuraa. Waxa nagu guura kuwo aan noo diir-nixin,

oo dirsooca iyo qoqobka darajo ku gaadha, dirsooc kaliya maahee, qaar badan oo ka midana boob iyo beentu waa u dhaqan aanay marna gafin. Kuwan nagu guura marka ay danta leeyihiin bay na yaqaanan, ee markasta nama yaqanaan. marka aanu la dabaalano haddiiba ay gaadhaan meeshii ay geediga ku wadeena, koox kale bay dunta isku xidhaan(Odayaasha Beelaha hor booda),oo la saaxiibaan, anagana xidhiidhkaa nalaga goostaa. Si naloogu guuro, debecna qaarkayo looga helo, waa lanoo abtirsadaa, reerkeena iyo jilibkeena baa nalagu beer laxowsadaa.

Qaranka aan ku nool nahay kuwa ugu Ayaanka daran baan nahay. Laba cuduroo daaweyntooda kuwa nagu guurraa aanay isku hawlin baa na kala goostey, waa Sumal-dhaqaaq(Tahriib) iyo balwad, inyar baa labadan cudur ka badbaadey, intaasina niyad jab iyo shaqo la,aan bey ku nool yihiin. indhaweytana cudur kalay nagu dhex faafiyeeno, dirsooc bay na bareeno,odayaal dhintey magacyadood baanu isku kala qoqobnaa, Cudurkana waxay noogu dhex beereen si kolba koox naga mida danahooda ugu adeegsadaan, oo aanaan waligayo u midoobin.

Markasta waxay nagu celceliyaan inaan dalka ilaashano, qarranka idinkaa leh baa nalagu yidhaa, hadana si aanu u leenahay ma aragno; taladiisa waxba kuma lihin, dakhligiisana waxba kama aragno, darajona kama gaadhno. Maalmaha xilalka kooxda na adeegsataa u kala dheeraynayaan anagaa u kala qaylina, oo u boodboodna, oo u xiiqna, oo u shaqayna,oo kala dooranna, oo waliba u garsoorna. kooda xilka qabtaana markaasaa noogu dambeysa, xitaa gurigiisa ma booqan karno. Markay wax isku qabtaana ama is khilaafaana, miiska kuma soo dhamaysteen oo iyagu ma heshiiyaane, iyagoo badhkayo adeegsanaya ayey halka dambe naga soo rixaan, markaasaan mudaharaad samaynaa; Istaaqfurula mudaharaad ma samaynee, rabsahadaan dhignaa, ka dibna booliiskaan isku dhacnaa. Dhagaxaan miciinsanaa, Asakartuna rasaasbey hadhka naga dhigaan, dabadeed qaar baa rasaastu ku dhacdaayo, dhimasho iyo dhaawac ba waanu yeelanaa. Kaayaga dhintana kooxdii aanu hiilka u ahayn aaskiisana ma yimaadaan. Doqoniimo ama caqli xumaan mid na haysaba, Kuwa sidan ahi waa tolka aan gu,gan iyo gu,yaal dambe ba ka tirsanahay,ee laygu abtiriyo.

Hadaba Tolkay waa kuwee? Maxaan xumaantooda idiinku soo bandhigayaa horta, miyaan asturo? Kuwanse adeegsadaa waa kuwama?

Inta aanan su,aalahaa ka jawaabin, haan idiin soo bandhigo dareenkii Qallinka dhaliyee, habeen dhaweyd anigoo hurdo u diyaar garoobaya, oo bustaha sii hoos galaya, ayaan xogtii dalka ka raadiyey mareegaha wararka iyo waceelka somalida lagu qorro. Badanaana xilliyadan baan ku talo gala inaan wararkaas akhristo, oo maalintii markaan internet ka haleelo, ardaaga fays buuga(Facebook) kama gayoodo. Anigoo qoraaladda dhex jibaaxaya baan isha ku dhuftey war in uu degdag yahay (Breaking News) astaan looga dhigay.war baasku dhiiluu xambaarsanaaye wuxuu sheegayey in uu dhintey mid ka mida dadkii ku dhaawacmay rabashado dhacay maalmihii habeenkaa ka horeeyey.

Waxa uu tilmaamayey in uu ahaa kii saddexaad ee dhalinyaro ah, oo waliba kaaga darane kani imika uun qaangaadhay, oo shan iyo toban jirsadey.labadan astaamood ee dambe ayaa su,aalo hor leh maskaxdeyda ku furey, oo caloolyow naftayda ku beeray, igana eryey hurdadaan u baaqayey.
Waxaan is weydiiyey sababta saddexda wiil u dhinteen. Gartey in Rabshadihii waxyeeladu ka soo gaadhay, ha ka qayb qaataan ama yaanay ka qayb qaadane. Waxa kale oo aan garanayey in rabshadaahaas dhalinyaradda wax ku noqotey dantooda gaarka ah ku difaaceyn. Haddaa maxay rabshaduhu u dhaceen? Khilaaf dhex marey kooxo siyaasiyiina. Haa waa dan siyaasi waxa rabshadaha dhalinyaradaas u dhinteen, ee qaar kaloo badan u dhaawacmeen u dhaceen.

Waxaan markiiba xasuustey sannadihii madaxweynaha hadda xilka haya iyo xisbigiisu, mucaaradka ahaayeen. Rabshado kuwan oo kale ahaa oo ka bilaabmay xidhitaanka Aqalka baarlamaanka oo dawladii waqtigaasi iyo xisbiyaddii mucaaradku ku muransanayeen baa dhacay. Sidan oo kalena dhalinyaro iyo booliiskaa ayaa iskugu dhacay waxana ku dhintey labbo wiil oo dhalinyaro ah, ta xanuunka leh baa ahayd in aan dhalinyaradaas xisbiyadda mucaaradka ahaa iyo hogaamiyayaashoodu ka qayb galin aaskoodii ama eheladii ay ka baxeen inta ay u tageen xitaa Samir iyo iimaan odhan. Maanta oo xisbigii mucaaradka ugu weynaa iyo hogaamiyayaashoodii dalka ka taliyaan labadii dhalinyaradda ah ee hiilkooda barigaas u dhintey cidina ma soo hadal qaado, maxaa la soo hadal qaadi horta ma la xasuusan yahay ama ma la qirsan yahayba in ay jireen ba?
Sidii barigaas, saddexdii dhalinyaradda ahaa ee rabshadahan dhaweyto iyana ku dhintey, aaskooda kuwii ay hiilka u ahaayeen kamay qayb galin intaan ka warqabo, kamanay duwanayn xaaladoodu kuwii barigaas hore rabshadaha u dhintey.

Waa wax cadaana iyana in rabshadahaa hore iyo kuwan dhaweyto labadaba qollada dhalinyartu hiilka u ahayd ee siyaasiyiinta ahi halka dambe ka riixayeen, oo ay iyagu abaabulayeen. Laakiin ta la yaabka ah ayaa ah inaan rabshado kasta oo dhaca oo ku salaysan khilaaf siyaasi ahi aynaan maqal qof siyaasi ama darajo siyaasadda ka haya oo wax ku noqda, badalkeedana dhalinyaro loo hanweynaa baa ku qudh baxa. Sidoo kalena siyaasadda dalkeena iyo halka lagu go,aamiyo taladdeeda dhalinyaradu ma joogaan, kumana helaan hiilka siyaasiga faa,ido u gooniya. Dhinaca kale siyaasiyiintaa dhalinyaradda dabada ka riixaysaa ma tusaan ama uma sheegaan dhalinyaradda habka loo mudaharaado, waxay markaa danta leeyihiin soo qaataan qoddob dastuurka ku jira oo sheegaya xuquuqda shacbiga ee mudaharaad ku soo bandhigida dareenka, laakiin ma sheegaan kala duwanaanshaha Mudaharaadka iyo Rabshadaha.

Siday aniga ila tahay khasaarahan dhalinyarada gooniga ku ahi muu dhaceen, haddii qoladda siyaasiyiinta ah ee wax tabanayaan inta qoraalo iyo boodhadh soo qaataan dhalinyaradda iyo inta tageersanba soo hor galaan, oo sidaa ku muujiyaan tabashadooda. Laakiin inta halka dambe la fadhiisto dhalinyaradda la abaabulo oo la yidhaa mudaharaada, taasi waa rabshad sameeya aad idinku ku dhimataan. Sida caqliga saxda ahi ina tusayana marka askariga qoriga sita dhagaxa lagu boobo, isna rasaasta in uu miciinsanayo waan garan karnaa, cida ku dhimanaysaana inaanay ahayn siyaasiga halka dambe fadhiya iyana waan garan karnaa.

Ugu dambeyn tolkay waa dhalinyaradee Siyaasigaa nagu guurra, oo waliba markuu danta leeyahay uun na adeegsadda. Waxa taasi cadeyn u ah, kuwa hadda madaxda ahi, iyaba dhalinyaradu way garab taagnayd markii aanay xilka hayn, oo awooda ay ku gorgortamaan bay dhalinyaradu u ahaayeene,oo waa kuwii hiilkooda qaar dhalinyaro ahi u god galeene, maanta oo darajadii ay u halgamayeen gaadheen, miyay cidna isuku hawshaa duruufaha dhalinyaradda in ay wax ka qabato?, miyaan wali maqalnay qorshe lagaga hortagayo tahriibta? Miyaynu aragnay masuul hadal haya dhibta balwadu ku hayso dhalinyarrada in uu wax ka qabto? Maxay ugu hawl gali waayeen in ay shaqo abuur u sameeyaan boqolaalka dhalinyaro ah ee makhaayadaha tuman? Xitaa miyey ka qayb galiyaan golaha ugu sareeya ee xukuumadda iyo halka taladda lagu gooyo? Miyaanay ogeyn habka saami qaybsiga beelaha inaan dhalinyaradda faa,ido ugu jirin, oo geedka danta beesha lagu gorfeynayo dhalinyaradu dibadda ka joogto? Bal miyey xitaa ku wacyi galiyaan dhalinyaradda habka loo muduharaado?

Oo dhalinyaradu miyey garan waayeen in siyaasiga iyaga diraya, noogu horee adigu yidhaahdaan? Miyaynaan dhalinyaroy ka ilbaxayn shuguxshuguxda reer hebelnimo, ee hebelka ina adeegsadaa inoo tumo, markuu danta leeyahay?, miyaynaa wax ku qaadanayn kuwa inaga dhintey ee hooyo iyo Aabo aan Siyaasadda waxba ka galin ka goblameen? Miyaynu garan weynay ka mucaaradka ah maanta, in uu berriba albaabka inaga xidhan doono markuu muxaafid noqdo, sida kuwa maanta? Miyaynu fahmi weynay in maanta laynagu guurrayo, berina laynaga guurrayo? Oo odeyga beesheena heblaayo hor booda, Qasriga gali karo, inaga oo u soo dhididi jirneyna, kadinka u soo dhawaan Karin?
Qodhaa iyo xeraddaa Tolkayoow(dhalinyarooy), miyaan dhoohanaanta caqli xumo inoo dheerayn?

Dhamaaad

Qalinkii: – Maxamed Ibraahim Maxamuud (Cirro)
Email: m.cirro1@hotmail.com

Comments are closed