|

Taageerayaasha Urur-siyaasadeedka XAQSOOR Oo Magaalada Hargeysa Ka Bilaabay Mudaharaad Rabshada Wata Iyo Rasaaska Ka Dhacaysa Xaafadda Dumbuluq

Dec 6, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Taageerayaasha ururr-syaasadeedkii hadhay ee Xaqsoor ayaa daqiiqado ka hor ka bilaabay mudaaradaad rabsada wata magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadaha ay ku badan yihiin taageerayaasha ururr-syaasadeedkaasi ee Axmed Dhagax iyo nawaaxiga xaafaddaha Biriijka ku hareeraysan ee Dumbuluq,ilaa hadda lama oga khasaaraha uu gaystay mudaharaadkaasi iyo hadiiba ay jirto cid wax ku noqotay rasaasta dhacaysaa cidda ay yihiin toona.

ciidamda nabad galiyada yaa la sheegayaa inay rasaasta cirka u ridayaan ilaa hadda balse hadii ay sii kululaato xaaladdu waxaa dhici karaysa inay hoos u ridaan isla markaana ay gaysato khasaare nafeed oo dhiigg badani ku daato maadaama ay tahay goor habeen ah oo aanay ishu waxbadan arkayn.goob jooge kamida dadka degan xaafadah ay aadka ugu badan yihiin taageerayaasha ururrkaasi Xasoor oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa shabakad Cadceednews u sheegay inay rasaastu ku oo dhawdahay iyada oo aanu dhawaaqa rasaasta ka maqlaynay markii aanu la hadlaynay.

“rasaastu way socotaa haddana way nagu soo dhawaatay saw adiguba ma maqlaysid dhawaaqeeda” ayuu yihdi goob joogahaasi ku dhaqan xaafadda Axmed Dhagax ee Dumbuluq.ciidamada nabad galiyada qaybahooda kaladuwan ayaa heegan culus la galiyey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay ururrka Xaqsoor galabta ku dhawaaqeen inay gabi ahaamba qaadaceen natiijada doorahsooyinka golayaasha deegaanka .wixii ka soo kordha mudaaharaadkaasi iyo rasaasta dhacaysa sidii ay wax u dhacaan waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararka yaga dambe ee soo socda inshaa allaa

Cadceednews, Hargeysa

Comments are closed