|

Sooyaalka Ururada Dhalinyara​da Gobolka Awdal Iyo Sannad Guuraddii Tobnaad Ee Ururka Dhalinyara​da SAYS, Qormaddii 1aad

Magaalada Borama waa xarunta gobolka Awdal dadka immika ku nool waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 250 kun oo qof, wakhtigii uu burburey dalka Soomaaliya ee ay dhacdey dawladdii Maxamed Siyaad Bare waxa ay Borama nasiib u yeellatey in ay ka badbaado dhibaatooyinkii ballaadhanaa ee uu sababey burburkaas ku habsadey magaalooyinka Soomaaliya.

Daryeelka iyo dadaalkii ka soo kabashada dagaaladii sokeeye iyo colaadihii dalka gudihiisa ka curtey waxa ay dadweynaha reer Borama la kowsadeen intii ka dambeysay sannadkii 1992kii taas oo nolosha fursadeedu saamaxdey in ugu horreyn dhalinyarada Borama dib loogu furo goobihii waxbarashada iyo dugsiyo lagu kobcinayo barbaarinta ubadka iyo caruurta soo koreysa waxaana hawshaas billowgeeda hormuud u ahaa aqoonyahanadii aasaasey amma dhidibadda u taagey dugsiga hoose/dhexe/ sare ee Al-aqsa oo ku yaalla galbeedka magaalada Borama.

Dhalinyaradii wakhtigaas wax ka baran jirey dugsiga Al-aqsa waxey ahaayeen dhalinyarada ugu asluubta iyo edaabta badan magaalada Borama kuwaasi oo aqoontooda iyo akhlaaqdooduba ka tilmaamneyd dhalinyarada aynigoodda ee wakhtigaas ku noolaa magaalada Borama.

Magaalada Borama ma jirin wakhtigaas ururo dhalinyaro ah oo ka shaqeeya amma u halgama arrimaha la xidhiidha xuquuqda dhalinyarada gobolka Awdal laakiin waxaa jirey kooxo ciyaara kubada cagta iyo ta gacanta kuwaasi oo ku ciyaari jirey magaca xaafadaha ay deggan yihiin isla markaana waxa ay kooxahaasi isaga hor iman jireen wareegyo loo dhigi jirey oo ay ku tartami jireen hanashada koobab la qaban jirey sannadkiiba labbo jeer oo wakhtigoodu kala duwan yahay.

Sannadkii 1995kii ayaa qaar ka mid ah dhalinyarada reer Borama gaar ahaan kuwii wakhtigaas wax ka baran jirey dugsiga Al-aqsa ay billaabeen in ay sameystaan ururo ay ku horumarinayaan waxbarashadooda iyo arrimaha kale ee la xidhiidha kobcinta maskaxda amma jidhka waxaanna ururadaas ugu caansanaa labbadii urur ee la kala odhan jirey Mustashfa iyo Shiishaan.

Ururka Mustashfa waxaa ku midoobey dhalinyaro deganeyd xaafada Xalane halka ururka Shiishaan ay ku midaysnaayeen qaar ka mid ah dhalinyaradii wakhtigaas deganeyd xaafada Axmed Gurey gaar ahaan deegaanka Seebeeriya.

Ururka Mustashfa oo ahaa midka aan Anigu si rasmi ah uga tirsanaan jirey isla markaana tiradoodda guud dhaneyd 30 qof ayaan jeclahay in aan halkan idiinku soo gudbiyo magacyada qaar ka mid ah dhalinyaradii aan ku wadda jirey ururkaas Mustashfa.

1- Ahmed Abdi Ismaaciil Jeesto
2- Cumar Ismaaciil Cabdillaahi Gadhka
3- Abdikariim Sh. Cilmi Talan
4- Saciid Maxamed Daahir
5- Muuse Daa’uud Maxamed
6- Ahmed Hassan Daahir
7- Abdisabuur Abubakar Abdillaahi
8- Muxiyadiin Cabdi Hassan
9- Cumar Siyaad iyo
10- Maxamed Gamiye AUN oo geeriyoodey sannadkii 2003.

Sidoo kale inta aan ogahay amma aan ka xasuusto magacyada dhalinyaradii ururka Shiishaan ee Xaafada Axmed Gurey gaar ahaan deegaanka Seebeeriya iyo xubnihii hormuudka u ahaa ee majaraha u hayey ururka waxaa ka mid ahaa.

1- Abdirahmaan Nuur Xuseen Duso
2- Cabdicasiis Aadan Xassan
3- Ismaaciil Aadan Miicaad
4- Mustafe Cismaan Mashuur iyo qaar kale oo badan.

Waxaa laga yaabaa oo ay u badan tahay in qaarkiin isweydiinayaan macnaha iyo fasirka labbadan magac amma eray ee Mustashfa iyo Shiishaan, haddii aan ku horreeyo ururka aan ka tirsannaan jirey ee Mustashfa waxa uu aasaaskiisu la kowsadey dhismaha Masjid Mustashfa oo ku dhex yaalla Dhakhtarka weyn ee magaalada Borama halkaas oo aheyd goobtii aan ku qaadan jirney kulamada amma shirarka kala duwan waxaannan odhan karaa waa goob lagu kulmo meesha ugu qiimo iyo kheyr badan maadaama uu ahaa guri ka mid ah guryaha Rabbi SWT laakiin ururka Shiishaan oo ka dhisnaa Xaafada Seebeeriya waxa uu dhismaha magiciisu la jaan qaadey wakhtigii ay Mujaahidiinta Shiishaan dagaalka adag kula jireen ciidammada dalweynaha Ruushka wakhtigaas oo dagaalyahanada Shiishaan hadal hayntoodu aad ugu badneyd Wabaahinta kala duwan ee adduunka.

Marka aan ka hadlo kulamadii ururka Mustashfa waxa ay xubnaha ku bahoobey kulmi jireen toddobaadkii mar kaliya oo ah habeenimada Jimcuhu soo galayo gaar ahaan marka laga baxo Salaada Shannaad waxaana habeenkaas badankiisa la isku guubaabin jirey qiimaha ay iska leedahay tacliintu inkasta oo ay dhalinyaradan badankoodu wakhtigaas dhammeeyeen sodonka nuqul amma majalo ee Quranka Kariimka ah isla markaana ay lahaayeen aqoon ahaan in ku filan Axaadiista Suubanaheenii Muhamed NNKH haddana waxa ay mar kaste isku baraarujin jireen muhiimada ay iska leedahay barashada diinta Islaamka taasi oo ay dhalinyaradu dareensanaayeen in ay tahay laf dhabarka horumarka nolosha adduunka iyo aakhriba sidoo kale dhalinyarada qaar ka mid ah waxey habeenkaas soo bandhigi jireen waxyaabihii wakhtigaas ka socdey dunidda Islaamka iyo Caalamka intiisa kale oo ay ugu xiisa badneyd qadiyada aan dhibaatadeedu illaa maanta dhammaanka laheyn ee u dhaxeysa Falastiin iyo Israa’iil, dareenada wakhtigaas xoojin jirey xiisaha dhacdooyinka dunidda waxa ka mid ahaa Wabaahinta maqalka iyo muuqaalka leh oo markaas ku cusbayd amma ku soo badaneysay dhulkeena Hooyo.

Dhalinyaradu waxey iska ururin jireen lacago tabarucaad ahaa oo ay ugu tallo galeen in hadyado loogu iibiyo loona gudoonsiiyo qof kasta oo ururka ka tirsan isla markaana soo bandhiga amma soo kordhiya wax wannaagsan oo faa’iido u noqon kara xubnaha ka tirsan ururka Mustashfa sidaas darteed waxaa dhalinyarada dhaxdooda yaalley tartan qurux badnaa oo borotankiisu ku dhisnaa afkaar iyo odhaahyo fekerkoodu xambaarsanaa su’aasha ah maxaad ku soo kordhin kartaa ururka?

Sannadkii 1996kii waxaa soo kordhey ururkii Al-Huda oo ay isagana ku midoobeen dhalinyaro deganeyd qeybo ka tirsan Xaafada Xalane oo ah deegaan aad u ballaadhan taas oo dhalinyarada ku nooli tiradoodu aad u badan tahay, ururkaasi waxa uu ahaa mid qorshayaashii iyo ajandayaashii loo aasaasey aaney ka duwaneyn kuwii ay ku dhisnaayeen amma ku shaqeynayeen wakhtigaas labbada urur ee Mustashfa iyo Shiishaan.

La soco qeybta labbaad………..

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
Email: rasiiqi07@hotmail.com

Comments are closed