|

Sawtaan Idin Idhi Lays Dooran Maayo, Waa Lays Doorinayaa. Hal Cod Looma Quudhin Xukuumada, Inay Tuugaysato Waa Garteed, Kumay Shubane Way Ku Guratay By Cumar Sanwaa.

Waxaan War-Baahinta ku arkayay qaar ka mid ah xukuumada oo sidii culimada u hadlaya oo kule: yaynaan walaalo-yaal been iska sheegin, iyo walaahi baan ku dhaartee inaanu kulmiye ku shuban, dee anigaaba idin leh: mumaydaan shuban ee waa ku gurateen! Waxay shacbigu rumaysanayaan hadalka Madaxdhaqameedka afkooda kasoo baxay ee sheegaya: in dulmi jiro, in waraaqo codbixineed dad gaari siteen oo ay ku gurteen, in gobol gobolkale loo afduubay!

Waxaan u yaqiinsaday caqliga hadalada noocaas ah (walaalo yaal aan is aamino iyo wixii la mid ah) lihi, inay yihiin kuwo soo tabinaya weedho lagu amray oon hadlayn aragtidooda. Inamada xukumada u hadlaya waxa dhinac socda warbaahinta ay isticmaalayaan oo soo tabinaysa cadaymo muujinaya dhawr qof oo abuuraya 100,000 oo cod oo ay iskaga gurayaan sanaaduuq lasoo waariday oo ay ku qoranyihiin: Kulmiye.

Markhaatiga kaleen hayaa wuxuu yahay: waar kuwan jecel in la rumaysto, ee wasiirada leh, ee xildhibaano leh, ee kuwo kale leh, waxaan odhan lahaa hadii iyadoo laydinku hayo been abuur, oo aydin ogtihiin inay wax jira tahay, sideebaydin iskaga dhaaransysaan!!!!!!!? Ma Suldaan M C/Qaadir oo ah suldaankii guud ee Salaadiinta Somaliland ayaa been sheegaya!!!!!!!!!!? Ilayn M/Dhaqameedku urur u hadli maayaane!!!!!!! Ma Xaqsoor oo taageeradiiisa la ogaa ayaa been sheegaya!? Waa fashilan tihiin ilma-is-wanaajoow ama diida ama ha diidina!

Arinta noocan ahi waa mid u dan ah xukumada araga gaaban ee hada jirta, waana mid ku dhiiri galinaysa mucaarid dhex dhexaad ahaa inuu xag-jir noqdo, waa mid gayaysiinaysa umada Somaliland inay hada iska dhex bilawdo colaad siyaasadeed oo kalifi karta in ay xukumadu gudan kari waydo cashuur urursigii looga bartay muwaadinka dalkiisa jecel in laga soo qaado. Waa guud mar hadalkayguye, uma malaynayo in layska aqbalayo qof ikhtiyaarkiisii la afduubay oo loo leexiyay meel aanu rabin!

NB:- muwaadin ogoow in ku shubasho waxa la yidhaa ay tahay: marka si xor ah loo codeeyo, ee la shubto codkii cod-bixiye-yaasha. Laakiin ku gurasho waa iyadoo waraaqo layska buuxsado oo lagu calaamadiyo urur ama xisbi gaar ah, sida tan laysku hayo oo kale.

Xalka arintan cakirani waa iyada oo: Xaqsoor, Umada iyo Ururada kale qaadacaan natiijada doorashada.

Waxaad is waydiisaan ilma-is-wanaajoow idinka iyo komishanka iyo cidkastoo ku lug lahayd doorashadan masuuliyadeeda:

QARAN LOO MARAY KITAABKA SHARFAN, OO LOOGU DHAARTAY IN DAACAD LAGU HOGAAMINAYO OO LAGU DHAQAYO, OO HADANA BEEN LAGA SHEEGAY, CIQAABTA AY LEEDAHAY!!!!!

WAXAAN KA BAQAYAA IN LA ARKO, KUWO HADLI KARI WAAYAY, KUWO CAAFIMAAD WAAYAY! MA AHA ARAGTIDAYDA EE WAA CIQAABTA AY LEEDAHAY KITAAB LAGA BEEN ABUURAY! WAXAN KALOO DHAMI WAA WAX SOKE! S/CALAYKUM.

F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE

XISBI QARAN SUGE.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

Comments are closed