|

Saddexda Xisbi Qaran & Qoomiyadee​na By Faysal Abroone

Xariirad Tawn-Salaan Ka Dib Gadabuursigu waa Qabiil ka mid qabaailka Somaliyeed ee ilaahay ku abuuray dhulka Somaliyeed ee Geeska Afrika(Horn Africa).Waxa uu nasiib ku helay weliba inuu dago goob ay ka hanaqaadeen Magaloyin leh Xadaarad Fog iyo dhaqaale sida Saylac iyo Harar.Waxa uu degaankoodu u dhexeyey labadaa Magalo ee muhiimka(Saylac iyo Harar) iyo Berbera iyo Bulo xaar oo xeebta dhanaca Bari ka saaran degankooda.Waxa degaankaasi u suuragalyey inay yeeshaan xadaarad ilbaxnimo iyo dhaqaale kobcayeyy intii aan gumaystuhu dalkeena Iman qarnigii 19aad.Haddaba dhibta ugu weyn waxa ay soo gaartay Gadabuursi wixii ka dambeeyey soo gelitaankii dhulkeenna ee Gaalada Reer Yurub iyo Amxaarada.Kuwasoo dhamaaba baabiyey Labadii Magaalo ee xadaaradeenu ku dhisnay ee qarniyaasha soo jiray ee ka soo badabaaday burburka boqortooyin badan .Gumaystayaashii waxa dhulkii Somaliyeed ay u qaybsadeen Shan qaybood.

Qalin-Daarkii 1aad ( Bilowgii Afooyinka ) Ref: Warsanmag

Haddaba Gumaystayaashii waxay qarnigii 19aad dhamaadkiisii ka asaasen labo magalo oo cusub oo lagu bedelay labadaa magaalo ee gumaystuhu ay burburiyen ee Qadiimka ahaa.labadaa Magaalo ee Bedelay Harar Iyo Saylac waxay kala noqdeen Hargaysa iyo Jabuuti kuwaasoo noqday saldhigii mustacmartadda cusub ee Ingiriiska iyo faransiiska(British Somaliland Protectorate and French Somli Coast).

Markii ay cadatay burburkii Saylac Hararna Amxaarkii qabsaday 1987.Gadabuursi wixii hanti ku sii hadhay oo ay ka mid ahaayeen Tujaartii Waaweyad ee Gadabuursi ee Harar iyo Saylac dhaqaalahooda gacanta ku hayey waxay uguureen Jabouti waxa ka mid aha Xaaji Diide ,Xaaji Buuni ,Xaaji Qayre, Xaaji Kaamil iyo rag kaloo badan oo ahaa madanigii Saylac ee ku nolaa Tujaradaas.

Qaybtii kalena waxay usoo guureen J-Horato 1905 ka dibna waxay asaaseen Magaalo Madaxda Borama qarnigii 20aad awalkiisi oo noqotay District.Mantana ah Xarunta ama Caasimadda Gadabuursi ee Gobolka Awdal.

Haddaba labadii kooxood ee midna xeebta Jabouti Tagay(French Somli Coast) Midna Magaalada Borama asasay (Somlaliland British Protectorate) Raad intee leeg ayey ku kala yeesheen labadaa meelood ee ay kala dagayn ka dib burburki Saylac gaar ahaan dhinaca Siyaasddda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshad intaba:

Curashadii Mooro-Duuga Siyaasaddeed-

Sida Qaalibka ah Kolkii ay Ummadi Mooraduuganto Xadaaraddooda iyo Hab-Raacooda Nololeed Waxaa Bariinsada Arrimo Dooriya Dadka & Dalkaba’ Waxaa Meesha Ka Baxa Dhaqankii & Caadooyinkii Lagu Soo Dhaqmayay Kumanaanka Sanadood Tusaale- Talooyinkii Lawada Lahaa ayay Koox Qudha Mahdidaa ( Macaansataa ) Xeerkii Bulshadana Maalmo Ka Dib Waa Midaan Tahar Goynayn’ Qoloftii Adkayd ( Magaca Guud ) Waxaa uu Maciin Bidaa Inuu ku Naalooda Gocoshada Xasuusta Waayihii Samaa ee Soo Maray’ Waxayna Ka Dhigan Tahay Sida Ruux Gab ( Waayeel ) ah oo Kolka uu Soo Xasuusto Dhalinyaranimadiisii Inta Yara Muusoodo Wax yar kadibna Lilmo ay Dhabanadiisa Qoyso’

Hadaba Isgalihii Labadii Qarni Q-19aad & Q-20-aad Wixii ka Dambeeyay Qoomiyadda Gadabuursi Waxaa ku Dhacay Jahwareer Siyaasadeed oo Markii Dambe Dihatay ( Dhashay ) u Caalwaaga Xaalad Salfatay Saqiir & Kabiir’’ Xeeldheerayaasha Ku Taqasusay Cilmiga Bulshada Waxay Ku Doodayaan in Qoomiyada Cali Madaluug uu Ku Habsaday Waxa Loo Yaqaan ‘Dhogor-Guran’ ama ‘Sumad-Dheeg’ Waana Tan Keentay in La Waayo Ruux Ku Dhiiradda ka Runsheegida Waxa Bulshadan Ka Maqan iyo Halka ay ku Maqan Yihiin Waa Halkii uu Abwaanku ka Yidhi ‘ Dibno Aan Beenta Aqoon Hadal Bayaan ahna Aan Sheegin’ Ergo Kasta oo La Diraa Waxay Ka Baxaan Kadinka Iyagoo Waran & Gashaan Gabraarran Iyagoo u Muuqda Inay Kolkaa Ku Raadjoogaan Xaq Noqon kara Mag Laga Duudsiiyay amaba Ahaan Kara Xoolo Ka Kooban Afrata Meesi ( 4 Maal Aduun ) Sida Mararka Qaadh Dhacda Ergadu Waxay Ku Soo Guulaystaan Howshii Adkayd ee ay u Sii Mareen Dhul Qorfa aha, Dhul Omas & Haraad Loogu Waashay, Kayn & Sool Jiq ah’ Amabase Waxaa Dhacda Inay Guuldaro La Soo Guryo Noqdaan oo ay Halkaa Ka Aloosanto Colaad Lagu Wadda Riiqmo’ Hadaba Kuweena ( Ergadeena ) Labadaa Xaaladood ayay u Dhaxeeyaan Goorwaliba ‘Waana Xaajo u Baahan Inaanu Wada Jir u Fahano Sababta Ka Dambaysa ee Dhabta ah:

Hadaan Intaa Kaga Baxo Araartayda Waxaad Moodaa in Bulshadeena Maanta ay kala Raaceen Saddex Xisbi oo Kala Baraad la oo Midwaliba uu Sharcigiisa iyo Qorshihiisaba u Dhan Yahay Kolkaa Waxaanu u soo kala Horaysiinaynaa Sidatan-

1) Xisbiga Dhex-Roor: Xisbigan Horayso & Dambaysaba Waxaa ay Ku Dadaalaan Sidii Ummadan Walaalaha ah ukala Fogayn Lahaayeen Iyagoo Adeegsadda Hab Casri ah & Qibrado ay Ka Dhaxleen Labadda Bahood ee Kala ah Bah-Yaaca & Bah-Xumaanruug’ Waana Laba Bahood Oo Isku Raacay In Tafiirta Qoomiyadda Gadabuursi Dhulkooda Laga Idleeyo’ Shaqsiyaadka Madaxda Ka ah Xisbigan Dhexroor Waxay Goorwaliba Ka Faa’iidaystaan Xaaladaha adag ee Ku Gadaaman Mushtamacaan Iyagoo u Dhexraacsha Xiligay Dheelalawsan yihiin & Xiligay Baahan Yihiinba, Waxay Si Dadban & Doosba ugu Xidhan Yihiin Gacmo Shisheeye iyagoo ku Tiraabaya ( Lacagi Qaadasho ayay Leedahay )

Dooqoodu Ma Duugoobo oo Hadba Kani Dambar Geel Maalay ayay Dabadda u Ruxaan’ Digigix & Damqashana Xagooga kama Shaqayso’Abaabulka Xisbiyada & Buunbuuninta Waxa Loogu Yeedho Som-Land Waxay Goorwaliba kaga Jiraan Safka Hore, Tiro Ahaan &Tayo ahaan Ma Badna Xisbiga Dhex-Roor Balse Waxaa Badan Sawaxanka iyo Guuxooda, Badanaa Waxaa Meherad u ah Inay Soo Horfadhiistaan Shaashadaha Laiska Daawado iyagoo Halkaa Kaga Botoriya Been & Waxaan Raad Lahayn Maan-gaabku Waxaa uu u Haystaa in Xisbigaan Gacmaha Wax ugu Jiraan Fariidkuse Waa Midaan Si Sahal ah Loo Dagayn:

2) Xisbiga Dhan-qalal: Xisbigan Madaxdiisa & Taageerayaashiisa Ma Aaaminsana Mabaadiida Xisbiga Dhex-Roor Mana Qabaan Inay Jirto Maamulka Isku Magacaabay Som-Land ee Reer Hargaysa, Xisbigan Dhan-Qalal Mushtamiciisa Kolka Qurbaha La Joogo Waxay Leeyihiin Midab Qurxoon Oo Ifaya Balse Nasiibdaro Marka ay Noqoto Qodaalka ( Dhulkii Hooyo ) Muunadooda Waa ay Daadataa Sida Dheeha Daaraha, Xisbiga –Dhanqalal Waxaa Sharciyadiisa Ka Mida Inaan Waxba Hada La Taageerin ee Maalinta Qiyaamaha un La La Sugo’ Waxaa kale oo ay Qalinka kuwadda Duugeen Waxwaliba in Indhaha Lagala Socdo, Dhagahana Laga Maqlo Xaalkoodu Markaa Waa Ha’is Dhaqaajin Haday Abeeso Ku Jaqayso oo Kolkaa Gowsaha Isgali Ilaa Inta Ay Naftu Kaa Aguugayso, Bulshadda Xisbiga Dhan-Qalal Waa Dad Badan Qurbo Joog & Qodaal Joogba Waxaana Ku Jira Dhamaan Bulshadda Noocyadeeda Kala Duwan:

3) Xisbiga Dharab-Diid: Xisbigan Waxaa Ku Bahoobay Dad Iska Kaashaday Caqliga & Garashada, Waxaa Si Qunyar Loola Faqay Maskax Guun ah Kana Fayoow Cunfiga & Waxyaabaha Lagu Beerlaxawsado Kicinta & Abaabulka Qabyaaladeed, Docda Kale Waxaa Jira Dad aysan Indhahoogu Marnaba Qaban Wanaaga ay Ku Naaloonayaan Bulshadda Ka Mida Xisbiga Dharab-Diid ( Awdal State ) Mucaaridnimada Waa Shay Dabiici ah Balse Lama Arag Ruux Gudin Ladaba Taagan Hadba Geedkii uu Beero Isagoo Curdin ah,

Waamaxay Siyaasada Xisbiga Dharab-Diid (Awdal State )

A ) Siyaasada Awdal State Waa Haykal Dhagax-dixeed ah Oo Inoo Tilmaamaya Waxaynu Ahayn & Waxaanu Isu Ahayn Ka Hor Intuusan Caqli-Guur, Han-Guur & Tusmo-Guurku Inagu Dhicin!!

B ) Siyaasada Awdal State Waa Mid Ka Saafan Lagana Hufay Waxa Loogu Yeedho Mala-awaalka ( Fiction ) Waana Mid Laga Dareemayo Inay Jaal La’tahay Xaqiiqda!!

C ) Siyaasada Awdal State Hanaankeeda Guud Waa Mid Laga Halaacsanayo Hab Guun ah iyo Kasmo uu Badhaadhaheedu Cadyahay!!

D ) Siyaasada Awdal State Raad-raac & Tix-raacba Waxaa Iidaan ( Koosaar ) u ah Cadaalada, Sinaanta & Garsoor Ku Qotoma Diinteena Islaamka!!

E ) Siyaasada Awdal State Waa Tusmooyin Qadiimi ah’ Inoonna Tilmaamaya Wadiiqooyin Dihanaa oo aynu Dharaar Cad Ka Wada Ambanay!!

F ) Siyaasadda Awdal State Waa Miday Majaraha u Hayaan Rag Wada Abqari ah’ Buuni Wada Mushiikh ah’ Baxdow Wada Deeqsi ah’ Birjeex Wada Geesiyaal ah iyo Baane Wada Gabayaa ah!!

Hadaba Xaqa La’ma Arjumee Weydiimaheena Foojigan Waxay Na’leeyihiin Fadlan Xaqa u Hiili Oo Seddexdan Xisbi Keebaa Saxsan Keebaase Qaldan Jawaabta Waxaan u Daayay Bulshadda Wanaagsan ee Ku Abtirsata Qoomiyadda Cali Madaluug,,,,,,

Lasoco Qaybaha Xiga ,,,,

Qore Suxufi Abroone
arshoone@hotmail.com
Afhayeenka A-State

United Kingdom

Allaa Mahada Leh

Comments are closed