|

Qaxootigii Shalay Oo Noqday Mulkiilaha Qaybo Ka Mid Ah Awdal. By Axmed Aadan Xuseen (Camash)

Waxay Ahayd Sanadii 2009 Markii Uu Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Dahir Rayaale Kaahin Ogolaaday In Qaybo Kamid ah Awdal Ay Soo Degaan Ama la Soo Dejiyo Dad Lagu Sheegay Inay ahaayeen Qaxooti,oo Deganaa Qaybo Kamid Ah Dalka Jabuuti.Dadkani Oo Dad ahaan Ka soo Jeeda Beesha Cisaha Ee Ay Dawlada Fransiisku U damaanad Qaaday Inay Jabuti Yeeshaan,Dadkii lahaa Dhulkaasi ee Samaroonna Iyo Canfarna Daadka la Raciyo.Dawlada Faranciiska Oo Ah Dawlad Xoogwayn Wayku Guulaysatay Arinkasi,Ciisana Si Fiican Ayuu Iskugu Balaadhiyay Dhamaanba Degaanka Ay Ka Koobantahay Jabuuti Mustaqbalkuse Wuu Ku Soo Madowyahay Beesha Cisaha ,Sabobtoo Ah Wax Waliba Halkisii Ayuu Ku Noqdaa.

Jabuuti Waxay Ka koobantahay 25% Laga Soo Gooyay Degaanka Awdal Iyo 75 % Laga Soo Jaray Dhulka Canfarta. 2 Badaa Dhul Oo Ay Isku Dareen Ayay Fransiisku U Bixiyeen Dhulka Jabuuti,sidaa Ayayna Faransiisiku ugu Beereen Dad aan U dhalan Dhulkaasi.Su’aashuse Waxay Ka Joogtaa Waxa Canfartii Ku Dhacay!!.Madaamaa Ay Lahayeen Dhulka 75%,Ma Sidaa Ayyay Ku Maqanyihiin Mise Dhulgariir Siyaasadeed Ay Soo Wadaan Oo Dadkan Dhulka Lagu Beeray Way Sifayndoonaan?

Damaca Beesha Ciise Maha Mid Intaa Ku Joogaye Afwayn Ayuu Yeeshay.

Beesha Ciise Oo Heshay Dhaqaale Fara Badan Oo Ay Ku Heshay Magaca Dawlada ,Ayaa La Soo Baxday Qorshe Cusub Oo Ay Dhul Cusub Ku Qabsanaso.Qorshahaasi Waxay U La Yimaadeen Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Dahir rayaale,Isna Wuu Ka Aqbalay.Bal Haadaba Aan Isdultaagno Waxa Uu Daarnaa Qorshaha Cusub,Sida Uu Samaroon Halis U galinayo,Iyo Sida Uu Madaxwayne Rayale U Dhayalsaday.

Mashruucan Oo Aahaa Mid Dahir Rayaale Hoos Maray,Ilduufay,Danmooday,Beer Nugayl Qaaday,Ama Uu Dhaqaale Dhaafsaday,ayaa u Dhacay Sidi Ay Ciisuhu Rabeen.Degaanada Cabdulqaadir,Xariirad Zeylac,Luhayana Waxa La Soo Dejay Dad Laga Soo Daad Gureeyay Xeryo Ay Ku jireen Oo Ku Yaal Degaanada Ku dhaw Calisabieh Ee Dalkaasi Jabuuti.Dadkan Waxa Lagu Sheegay Inay Yihiin Dad Qaxooti Ah,Kana Soo Qaxay Dagaalo Ka dhacay Degaanka Somalida Ee thopia,Sanadihii,1990,Markaasi Oo Colaado Ka jireen Degaanadaasi.Sobobta Meelaha Ay Degaanyeen Looga So Raray Ayaa Lagu Sheregay Inay Biyo Yaraani Soo Wajahday,Sidaa Awgeedna la Dejiyo Degaanka Awdal – Si Ay Biyo Ugu Dhawadaan.

Qaxootigi Biyihii hele- Meel Qaboowna Soo Dege – Maxaase Xigidona?

Dadkii Shalay Qaxootiga ahaa ee Biyaha Loo Raadinayay Waxa Noqdeen Qaar Jabuuti Biillka Looga Soo Diro,Xawaaladu Loo Furay,Dukaamo Loo Furay,Meelka Kasta oo Ka Tirsan Xeebaha Awdalna Way Soo Deheen,Iyaga Dhaqaale Ahaan Kula Wareegaya,Beeraha Iyo Meelaha Nacfiga le Ee Ka Tirsan Awdal.Gadabuursiga Dhexdiisa Ayaa Laga Samaystay Suldaano U Hadla,U Adeega Iyo Qaar U Hadla Oo Fuliya Danaha Ciisaha,Kana Soo Horjeesta Danaha Samaroon,Kuwaasi Oo U Taagan Kala Ilaalinta Midnimada Samaroonka Xeebaha Iyo Ka Buuralayda Degan.Qorshaasi Wuxu U Dhacay Sidii La Rabay,Waanad Ogaydeen Qayladii Dhacday Markii U Ugaas Cabdirashid Yimid Awdal,Iyo Cabaadkii Aan Lahayn Kala Jogsiga Ee Ka dhacayay Suldaan Samatar Iyo Dhawal.Samaroonna Halkaa Ayuu Ku Kala Dhaqaaqay Maalin U Soo Jeesan Doono Mustaqba Carurtiisana Meel Islamay Dhigin Wali.

Ujeedadii Qarsoonayd May Soo Baxday Mise Wali Way Soo Soctaa?

Haa,Ujeedadi Qasoonayd Way Soo Baxday Waxana Soo Dedejay Wakhtiga iyo Siyaasada Degaanada Somalida,Oo Si Xawlile Isku Badalaya.Waxa Qayta U Wayn Ka Ciyaaray Ninka Lagu Magacaabo Xasan Ciise Jamac,Oo Qaatay Fulintii Mashruuca.Xasan Waxa Loo Sameeyay Urur Lagu Macaabo Xaqsuur.Urur Xaqsoor,Waxa Laga Maal Galiayay Wadanka Jabuuti,Waxaana Maalgalinayay Ismacil Cumar Geele,Waxa Lacagta Loo Soo Marinayay Mulkilaha Warshada Coca-Cola Ee Magaalada Hargeisa,Ina Geele Arab.

Xasan Ciise Waxa lagula Heshiiyay In Cisaha Laga Soo Sharaxo Dhammaaan Xeelaha Awdal

1)Inay Shqaalahu Noqdaan Ciise

2)In aan Xisbiga Xaqsor laga soo sharaxin Wax Samaroon ah Degaanada Xeeba Awdal

3)In Uu KuDhwaaqo Oo Cadeeyo Inay Dhulkaasi Yahay Dhul Ciise.

4)Hadii Uu Gulaysan Waayo Inuu Ku Dagaalamo Oo Uu Diido Natiijada Ka Soo Baxda Codayna Shacabka Somaliland.

Xasan Ciise Jamac Intii Loo Dirtayba Wuu Fuliyay,Laakiin Xisbigiisii Wuu Guldaraystay,Wuxuna Noqtay Ururada Hadhay.Ka Dibna Xasan Wuxu Diidayay Jatijadii Ka Soo Baxday Codaynta,Waxaanu Riday Dagaal Keenay Dhimasho Iyo Dhaawac,Hargaysana Waxay La Garirtay Siyaasad Laga Soo Maleegay Jabuuti.

Geesta Kale Waxa Soo Baxay Dadkaasi Loo Jahaynayay Ee Wadanka Loo Samaynayay,Waxayna Sugayn Ayaa Ku dhacay,Beentiina Way Soo Xidfhantay.Xasan Ciise Jamac Wuxu Ku Noqday Xayraanimadisii.Beesha Ciisana Waxa Leenahay Jinsiyada Awdal LAGUMA Qaato 3 Sanadoode Ku Noqda Jabuuti Ama Ku Jira Xerayha Laydinka Siiyay Awda.Waxaan Idin Sheegaya In aan Dhul Mulkiyadiisa Lagu Yeelan Xisbi Xaqsoor ayaa Noo Ogolaaday Iska Sharaxno,Iyo Qaxootinimo.

Axmed Aadan Xuseen (Camash)

Luton Uk

Comments are closed