|

Natiijada Doorashada Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Oo Mardhawayd La Shaaciyay Iyo Siday U Kala Heleen Axsaabta Iyo Ururadu.

Dec 6,2012 Hargeysa(Cadceed) – Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqay natiijadda doorashada deegaanka ee magaaladda Hargeysa.

Komishanka doorashooyinku waxay sidaasi kaga dhawaaqeen caawa xaruntooda magaaladda Hargeysa waxaanay sheegeen inay 230 kun oo qof ka codeeyeen magaaladda Hargeysa, kuwaasi waxaanay axsaabtu u kala heleen 25-ka kursi ee Golaha deegaanka Hargeysa sidan:-

1)- KULMIYE waxa uu helay 7 Kursi

2)-WADDANI, waxa uu helay 4 kursi.
3)-XAQSOOR, waxa uu helay 4 kursi
4)-UCID, waxa uu helay 4 kursi
5)-UMMADDA waxa uu helay 3 kursi.
6)- DALSAN waxa uu helay 2 kursi
7)-RAYS, waxa uu helay 1 kursi.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa, Somaliland.

Comments are closed