|

Maxkamada Gobalka Awdal Oo Shaacisay Xildhibaanadii Ka Soobaxay Guud AhaanGobalka Awdal Isla Markaana Dhaarisay 21-ka Xildhibaan Ee Degmada Borama.

Dec 13,2012 Borama(Cadceed) – Xildhibaanadii 21 ka ahaa ee ku guulaystay tartankii golaha deegaanka ee degmada Boorama oo maanta ay dhaarisay Maxkmada Degmada Boorama halka uu gudoomiyaha maxkamada gobalka awdalna uu shaaciyay guud ahaan xildhibaanadii ka soo baxay degmooyinka gobalka awdal ee Saylac, Baki, Lughaya Iyo Boorama.

Goobtani lagu dhaarinaayay xildhibaanada degmada Boorama waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Maxkamda heer gobal iyo heer degmo, Xeer ilaaliyaha gobalka Awdal, Badhasaabka Gobalka Awdal, Meeyarka Degmada Boorama, Taliyayaasha Saldhigyada Bariga iyo Galbeedka Boorama, masuuliyiinta Xisbiyada iyo ururada ay ka tirsanaayeen xildhibaanadii ku guulaystay talada degmada Borama iyo 21 musharax ee ku guulaystay talada iyo maamulka dawlada Hoose ee degmada Boorama.

http://youtu.be/zE_FdW183Oo

Munaasibadii dhaarta ayaa waxaa ay u dhacday si ay ka reebantahay muranka ay sheegaayeen qaar ka mida ururada iyo xisbiyadii u tartamaayay golaha deegaanka ee Degmada Boorama, iyada oo dhaarta maanta la dhaarinaayay ay u dhacday markii todoba xildhibaan oo kitaabka gacanta loo saaraayay.

Hadaba daawadayaashayada iyo akhristayaasha shabakada caalamiga ah ee Cadceed.com waxaanu u sheegaynaa in aanu u soo gudbindoono hadii ilaahay idmo arintani oo daawaasho ah.

Wariye Maxamed C/laahi Dabshid.

Cadceed.com Borama Office.

Comments are closed