|

Maxamed Xuseen Hadi Oo Deeq Uu Wakiil Uga Ahaa Jaaliyada Haweenka CANADA Soo Gaadhsiiyay Gudida Abaaraha G. Awdal Iyo Salal+Sawiro.

Dec 13,2012 Boorama(Cadceed) – Gudida ururinta iyo qaybinta tabarucaadka Abaaraha Gobolada Awdal/Salal ayaa maanta ka gudoomay haweenka jaaliyada reer Awdal/Salal eedalka kanada, kuwaasi oo u soo wakiishay isla markana uu soo gaarsiiyay gudida Mud. Maxamed Xuseen Hadi.

Madashan ayaa waxa ka hadalay Masuulka lacagta loo soo dhiibay Maxamed Xuseen Hadi waxana uu sheegay in ay lacagtan uu maanta wareejinayo ay dhan tahay 19, 400 oo doolar (sagaal iyo toban kun iyo afar boqol oo doolar) oo ay soo direen haweenka jaaliyada gobolada Awdal/Salal ee dalka Kanada isla markana loogu talo galay in la gaarsiiyo dadkii ay abaaruhu wax yeeleeyeen si dib u dajin loogu sameeyo.

<iframe width=”480″ height=”360″ src=”http://www.youtube.com/embed/zE_FdW183Oo” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

Maxamed Jaamac Hadi, waxa kale oo uu intan daba dhigay in loo baahan yahay in si balaadhan loogu duceeyo haweenkaas mutadawiciinta ah ee lacagtan soo bixiyay.

Gudoomiyaha Gudida Tabarucaadka Abaaraha ee G/Awdal/Salal Sh. Maxamed Daahir Dhawal oo isaguna gudoomay lacagtan ayaa yidhi “ Waxaan aan ugu faraxsanahay inay lacag muhiim ah naga soo gaadhay maanta haweenka Jaaliyada Awdal iyo Salal ee Canada, lacagtaasi oo dhan 19. 400 oo doolar, waan ka mahadcelinaynaa, waxaanan sheegaynaa inay gaadhi doonto meeshii loogu talo galay iyo dadkii u baahnaa ee abaarahu ay barabixiyeen oo u baahan maanta in dib u dajin loo sameeyo oo xoolayn hor leh loo sameeyo.

Sh. Maxamed waxa uu intaasi daba dhigay baaq kale oo aad u balaadhan oo uu dadka oo dhan gaarsiinayo waxana uu yidhi “ Waxaan sheegaynaa in maanta aanay abaaro jirin balse ay dadku wali bara-kacsan yihiin, xoolahii ay ku waayeen abaarahana aanay wali ka soo kaban, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii loo xoolayn lahaa loona gaarsiin lahaa tabarucaad dib loogu dajiyo.

Sh. Xasan Daheeye Axmed oo isaguna ka hadlay madashan ayaa u mahadnaqay haweenka Jaaliyada Awdal/Salal ee reer Canada. Waxana uu sheegay in Eebe uu xasaanaad balaadhan ugu badali doono xoolahaasi ay soo bixiyeen maanta, isla markana ay gaarsiin doonaan meeshii loogu talo galay.

Wariye: Maxamed C/laahi Dabshid.

Cadceed.com Borama Office

Comments are closed