|

Maxaad Ka Taqaan Qaabka Loo Kala Saarayo Murashixiinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland By Garyaqaan Xasan Cali Xasan

Waxaa jira faham xumo bulshadeena ku dhacdey maalmahan oo ku saabsan qaabka loo kala saarayo murashaxiinta ururada/xisbiyada ka tartamaysa doorashooyinka golaha deegaanka ee foodda inagu soo haysa. Wadamada aduunku waxay leeyihiin habab ay u raacaan, in lagu xisaabiyo kuraasta iyo sida loo kala helayo doorashooyinka goleyaasha guud ahaan. Hababkaas oo dal waliba uu qaato ka uu doorbido, waxaa ugu caansan ka looyaqaan (Winner Takes All) oo ah in kuraasta degmo kasta uu qaadanayo gebi ahaanba urur/xisbiga hela codadka ugu badan. Waxana ku dhaqma dalalbadan oo aduunka kamid ah. Habka kale ee aadka loo isticmaalo waxaa loo yidhaa (Proportional and Representative System, PRS). Waana ka Somaliland ay ku dhaqanto sida uu dhigayo qodobka 22aad ee Xeerka tirsigiisu yahay (Law No: 20) ee loo yaqaan Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada. Xikmada nidaamkan laga leeyahay waxaa ugu muhiimsan in la xoojinayo kawada qaybqaadashada. Waxaana la diidayaa in taladu urur/xisbi qudha gacanta u wada gasho. Dadka ay qabyaaladu ama qoomiyadu biyo dhigtey ayaa loogu talo galay inay iska wada arkaan saaxadda oo iyagoo aan ku ololeyn nidaam qabiil heli karaan xildhibaano. Nidaamkan PRS wuxuu xitaa siinayaa dadka laga tirada badan yahay inay soo bixi karaan iyagoo Kooto aan la siin. Waxaa jirta faham la’aan iyo wacyigelin la’aan bulshada oo aan la barin laakiin inaguma cusba oo taniyo intii nidaamka demoqradiga ah aynu galnayba waa lagu dhaqmayey murashaxiintana waa lagu kala saari jiray. Ma jirayo urur kuraasta degmooyinka dalka ka qadaya ama mid wada qaadanayaa toona. Sidoo kale murashaxiinta in beeluhu kala xushaan nidaamkani maba dhigayo, waayo waxaa jiraya qaar la sheegay in beel heblaayo isku raacdey oo hadana hadhi doona halka qaar cod yar helay ay ururadooda u soo baxayaan. Odayaal dhaqameedkana xeerku ma siinayo door ay ku kala saaraan murashaxiinta kuna soo faro-geliyaan doorashada.

Hadaan hoos ugusii dhaadhaco nidaamkani PRS ee inoo degsani wuxuu dhigayaa in kuraasta loo kala helayo saami qaybsi ku salaysan sida ururadu ukala badsadeen codadkii degmooyinka, midwalba gaarkeeda. Urur/xisbi dhamaan kuraasta wada qaadanayaa ma jirayo, mid waayaya ama qadayaana ma jirayo guud ahaan. Urur/xisbi walbaa qayb ayuu helayaa. Haddii kuraasta degmo ay tahay 21 kursi. Waxay u kala heli karaan tusaale ahaan sidan: Mid helaya 6 kursi, mid baa helaya 5 kursi, midbaa helaya 4 kursi, midbaa helaya 3 kursi, midbaa helaya 2 iyo mid hela 1 kursi. Murashaxiintii urur/xisbi kastaana waxay u kala helayaan sidan: tusaale ahaan urur/xisbiga helay 6 kursi waxaa qaadanaya lixda murashax ee ugu codadka badan urur/xisbigaasi gudihiisa. Haddii ninka kusoo xigaa ee galay kaalinta 7aad uu haysto codad ka badan 5,000 oo cod wuu hadhayaa. Waxaana codadkiisu u faa’iideynayaan ururku inuu 6 kursi helo iyo murashaxiintii ka hor martey ay soo baxaan. Dhinaca kale ururka helay 1 kursi, waxaa qaadanaya kursigaasi murashaxa ugu codadka badan ururkiisa. Waxaana lagayaabaa inuu helo ama haysto dhowr boqol oo cod. Dhamaan murashaxiintii ay isku ururka ahaayeen codadkooda marka la isku geeyo ay goynayaan 1 kursi. Sidaasuu ku soo baxayaa. Markaa waxaa dhici karaysa in urur/xisbi ay ka dhacaan murashaxiin laga yaabo inuu 5,000 oo cod haystaan, halka mid dhowr boqol oo cod haystaa ururkale u soo baxayo isla degmo qudha. Tartankuna waa urur ee maaha in labadii murashax ee isku qabiil ahi xafiiltamayaan, sida uu dhigayo nidaamka (Proportional and Representative System).

Haddii aynu eegno Qaaciidada (formula) wax lagu kala saarayaa waa sidan: (Isugeynta Codadka Guud ee Degmo ayaa Loo Qaybinayaa tirade kuraasta degmada lagu tartamayo. Waxaana soo baxaya Qiimaha Kursigu ku fadhiyo). Tusaale ahaan, Haddii Hargeisa ay ka codeeyaan 150,000 oo qof, tirada kuraasta lagu tartamayaana ay tahay 25 kursi, waa la isu qaybinayaa, waana sidan: (150,000/25=6,000). Markaas qiimaha kursiga ee Hargeysa wuxuu tusaalahaasi dhigayaa inuu noqonayo lixkun oo cod. Intaas kadib, waxaa la soo saarayaa ururkastaaba tirada codadka uu helay, metalan haddii Urur helo 30,000 oo cod, waxaa loo qaybinayaa 6,000 ee qiimaha kursigu ahaa taasoo noqonaysa (30,000/6,000=5) markaa tusaaluhu wuxuu dhigayaa in ururkaasi helay 5 kursi. Sidaasaa ururkasta lagu soo saarayaa kuraasta uu helay, ka hela 24,000 oo cod, waxaa loo qaybinayaa 6,000dii ee qiimaha kursigu ahaa, waxaanuu helayaa 4 kursi. Formulada, ama qaaciidada lagu soo saarayo kuraastuna waa sidaas. Markaa ururkastaa codadka uu helay ee ay keeneen murashaxiinta oo dhami waxa loo bedalayaa kuraas. Marka kuraastii ururku helayey ay soo baxdo ayaa murashaxiinta ururkastaa gudahooga ugu tartamayaa. Tusaale ahaan 5 kursi, waxaa helay shanta qof ee ugu codadka badan, sidaasay u kala helayaan muraashaxiintu siday u kala codad badan yihiin kolba inta kursi ee ururkoodu helay ee codadkooda oo dhami soo gooyeen. Metalan degmo kale ka soo qaad inay ka codeeyeen, 20,000 oo qof kuraasteeduna tahay 10 kursi. Qiimaha kursigu waa iyagoo la isu qaybiyo 20,000/10=2,000. Kursigiiba waa 2,000. Markaa waxaa la helayaa inta kursi ee urur waliba ka helay, kasoo qaad in urur helay 4,000 oo cod. Kuraastiisu waxaa lagu helayaa 4,000/2000=2. Wuxuu helay laba kursi, sidaas baa mid walba loo soo saarayaa. Urur waliba si guud oo uu codad badsanayo iyo gudahiisa oo kuraastii la helay lagu tartamayo ayey ku dhisantahay xisaabtu ee maaha reer iyo reer tartamaya ama murashaxiin kala reebaya nidaamku sidaas ma dhigayo.

Sidaa awgeed waxaa haboon in bulshadu sidaa u fahanto, oo aan laga dhigin muhiimadii doorashooyinku inay ku koobnaadaan uun isu faan iyo isu midh tirsi bulshada dhexdeeda ah. Taasi waxay meesha ka saaraysaa muhiimadii doorashada iyo la xisaabtankii xildhibaanada.

Garyaqaan Xasan Cali Xasan

Phone: 4407217

Email: qareenxasan@hotmail.com

Comments are closed