|

Marwo Sucaad Jaamac Qalinle Oo Ka Mid Ahayd Murashixiintii Golaha Deegaanka Ee Degmada Borama Ugasharaxnaa Xisbiga Kulmiye Oo Sheegtay Inay Ku Qanacsantahay Natiijada Komishanka.

Dec 5,2012 Borama(Cadceed) – Iyada oo maalmahandanbe ay soo badanaayeen murashixiinta ka cabanaysa komishanka doorashooyinka ayaa waxaa maanta shirjaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Boorama marwo Sucaad Jaamac Qalinle ay kaga hadashay dareenkeeda ku aadan doorashooyinkii golaha deegaanka ee ka dhacay 28,11,2012 guud ahaanba dalka gaar ahaan iyada oo ka mid ahayd murashixiintii degmada Boorama ee xisbi xaakimka KULMIYE waxaanay murashaxadani kaga warantay shirkeegani jaraa’id arimo badan.

Ugu horrayn waxaa ay murashaxadani hambalyaysay shacbiweynaha Somaliland haday ragyihiin iyo haday dumaryihiin waxaanay sheegtay in ay tahay doorashadii ka dhacaday dalku mid kor u qaaday kalsoonida caalamka ee ku aadan dalka gaar ahaana xukuumada haatan talada dalka haysa ee KULMIYE ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici.

Marwo Sucaad waxaa ay carabka ku dhufatay mar ay ka hadlaysay dareeenkeeda ku aadan doorashadii deegaanka oo ay ka mid ahayd xildhibaanadii aan ku guulaysan in ay ku soo baxaan talada degmada Boorama in ay ahayd mid u dhacday si xaq ah oo xor ah, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Maanta waxa jira murashixiin ku guulaystay doorashadii iyo murashixiin aan ku guulaysan waxaanan qabaa dhamaanteenba in aanu nahay kuwa ku guulaystay, maadaama oo aynu hawshan adag uga soo gudubna si nabadgalyo ah sidaynu wada ogsoonahayna waxaa horay loo yidhi gari labanin kama wada qoslisi kolayna midkeen uu ayaa ku guulaysan lahaa inaga oo ahayd 147 murashax oo laga rabay 21 musharax arintani komishankuna waxaa ay uga soo baxeen sidii ugu wanaagsanayd”.

Sidoo kale waxaa ay marwo Sucaad ugu baaqday murashixiintii aan ku guulaysan in ay u soo gudbaan xildhibaano ka mid noqda golaha deegaanka degmada Boorama in aanay abuurin mushkilado oo ay hambalyeeyaan murshixiinta walaalahooda ee ku guulaystay tartanka “Waxaan u soo jeedinayaa murashixiinta ila midka ah ee aan ku guulaysan talada xildhibaanimo in ay u hambalyeeyaan walaalahooda nasiibka u helay in ay u soo baxaan golaha deegaanka degmada Boorama, sidoo kalena ay ka fogaadaan wax kasta oo amaanka wax u dhimaaya”.

Gebagabadii Sucaad Jaamac Qalinle oo horay uga tirsanayd bahda warbaahinta waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay bahda warbaahinta ee ay ka midka ahayd in ay ka shaqeeyaan walaalnimada iyo isku soo dhawaynta dadkooda oo ay ka shaqeeyaan wixii dadkooda iyo dalkoodaba u ah horumar, waxaanay bulshaweynta reer Somaliland ugu baaqday in ay isgarab istaagaan xildhibaanada cusub ee ku guulaystay talada dawladaha hoose ee degmooyinka kaladuwan.

Sikastaba ha ahaatee shirkan jaraa’id ee ay maanta ku qabatay gudaha magaalada Boorama xildhibaan Sucaad Jaamac oo ka mid ahayd murashixiintii golaha deegaanka ee degmada Boorama xili ay maalmihii ugu danbeeyay ay jireen Murashixiin iyo odaydhaqmeed ka cabanaayay doorashooyinkii golaha deegaanka ee ka qabsoonta dalka.

Wariye Maxamed C/laahi Dabshid.

Cadceed.com Borama Office.

Comments are closed