|

Madaxweyne Silaanyo Oo Dhagax-dhigay Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhinaayo Wasaarada Cadaalada, Socodna Kumaray Suuqyada Hargeysa(Daawo)

Hargeysa (Cadceed) – Masuuliyiin sarsare oo ka socday safaarada dawlada Ingiriiska ee  dalka Itoobiya iyo Ha’yadda  UNODC, oo magacdooda la yidhaahdo Mr, Manual Barara iyo Mr. John Mekin, ayaa madaxweynaha Somaliland ku amaanay sida uu shacabkiisa u dhex lugaynayo taasi oo ay xuseen  inay muujinayso kalsoonida uu ummadiisa ka haysto ee ay ka markhaati ka cayaan sida ay ugu arkeen isaga oo suuq dhexdeesa lugaynaaya.

Hadaba Labadan sarkaal oo maanta  ka qeyb galay munaasibad Madaxaweyne Axmed Maxamed Maxamuud ISiilaanyo)  ku dhex dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo wasaarada cadaalada Somaliland, sidoo kale waxay guul ku timaameen dhismahan cusub ee wasaarada cadaalada yeelanayso ee maanta loo dhagaxdhigaayo.

Waxaana ugu horeyn munaasibadaasi hadalo  ka soo jeediyay saralkaalka ka socdey, UNODC, Mr, Manual Barara, ayaa balan qaaday inay la shaqeynayaan inay Somaliland iyo shacbigeeda waxaanu yidhi  “Waxaan mudane, Madaxweyne kuu balan qaadayaa inaanu wadanka kaala shaqeyn doono,  waa inaanu dadka la shaqeynaa, waa inaanu Waxa ay natusaysaa sida aad maanta sida aad umadaada u dhex lugaynayso kasoonida ummadaadu kugu qabto.

Wakhtigan ku jirno dambigu xad ma leh, oo halkan wuu ka dhacayaa iyo meel walba waxaynu ku xakayn lahayna waxay ku xidhan tahay sida aynu uga wada shaqeyno, muftaaxa koowaadna waa sida aynu war isku dhaafsano, sida aynu xog isku dhaafsano iyo si aynu u wada shaqeyno, si aanu albaab u helin dambigu, Mudane Madaxweyne aad ayaad u mahad san tahay.”

Salkaal ka tirsan safaarada Ingiriiska dalka Itoobiya, Mr Jin Maken, oo dalka u yimid ka qeyb galka munaasibada lagu dhagax-dhiga wasaarada cadaalada oo hirgalinteeda ay qayb ka ahaa yeen, ayaa faah-faahin ka bixiyay iskaashiga  iyo wadashaqaynta ay la leeyihiin dowlada Somaliland, gaar ahaan wasaaada cadalada, waxaanu guul ku tilmaamay hirgalinta dhisnaha cusub ee wasaarada cadaalada.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa, Somaliland.

Comments are closed