|

Kulan Balaadhan Oo Lagaga Hadlaayay Xeerka Garsoorka Caruurta Somaliland Oo Uu Furay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland.

Dec 12,2012 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka Wasaaradda cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta 30 xubnood oo iskugu jiray garsoorayaasha, xeer ilaaliyashaasha iyo saraakiil katirsan ciidanka asluubta uga furay kulan howleed lagaga hadlayo xeerka nidaamka garsoorka carruurta kulankaasi oo lagu qabtay caasimada hargaysa.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid oo kulankaasi furay ayaa sheegay inuu shirkani uu ku saabsan yahay sidii loo dabaqi lahaa xeerka nidaamka garsoorka ee carruurta ,waxaanu xusay in xeerkani uu wax badan ka duwanyahay sida loola dhaqmo dadka waaweyn,waxaa kale oo uu xusay wasiirku in dastuurka S/land qodobkiisa tobnaad uu tilmaamayo inaynu aqoonsano qawaaniinta caalamiga ah iyadoo diinteenu marka horeba ka hadashay daryeelka carruurta.

Dhinaca kale wxuu wasiirku xusay in xeerka nidaamka carruurta oo ansaxsanaa hadana aanay wax badani ka dhaqan galin,waxaanu tilmaamay in iyadoo la daryeelayo xuquuqda carruurta markay dambi galaan inay ka helaan xafiiska xeer ilaalinta guud waax ilaalisa xuquuqda ay leeyihiin.

Gudoomiyha maxkamadda racfaanka c/rashiid duraan oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xeerarka dalka la soo saari karo laakiinse waxaa adag sidii loo dhaqan galin lahaa, diinta islaamkuna daryeekoodii u dhamaystirtay hanaanka loo ilaalinayo xuquuqda caruurta.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa, Somaliland.

Comments are closed