|

Komishanka Oo Ku Guuldaraystay Inay Ku Dhawaaqaan Natiijada Codadka Hargeysa Ee Maxkamada Ay U Gudbiyeen, Lana Sheegay Inay Waji-Gabaxa Kala Kulmeen Hay’adaha Garsoorka

Dec 13, 2012 Hargeysa (Cadceed) – Komishanka doorashooyinka qaranka oo todobaadkan horaantiisii hakiyey natiijadii ka soo baxaday codbixinta doorashada golayaasha deegaanka gaar ahaana Hargeysa, ayaa ku fashilmay inay ku dhawaaqaan natiijada cusub ee ay ku buriyeen natiijadii hore ay u shaaciyeen oo ay isbadal ku sameeyeen codadkii ka soo baxay degmada Faraweyne ee gobolka Maroodijeex. Komishanka doorashooyinka oo Isniintii todobaadkan Maxkamada gobolka Hargeysa u gudbiyay natiijada cusub ee ay ku hakiyeen natiijadii codbixinta ee Komishanka gobolka Maroodijeex ay ku dhawaaqeen, kadib markii ay ku sababeeyeen dibu eegista natiijadii codadka degmada Faraweyne oo laba jeer ay sheegeen in codadka goobuhu ay laba jeer qormeen, balse la sheegay in Maxkamada gobolku ay shalay dib ugu soo celisay natiijada Caasimada Hargeysa ee ay u gudbiyeen, kuwaas oo sida ilo wareedyadu sheegeen masuuliyiinta Maxkamada gobolka Maroodijeex ay Komishanka u cadeeyeen in natiijadaasi aanay waafaqsanayn dariiqada iyo nidaamka sharcigu dhigayo, taas darteedna ay tibaaxuhu intaa ku dareen in Maxkamada gobolka Maroodijeex ay ku amartay in Komishanku ay iyagu ku dhawaaqaan natiijada codadka caasimada Hargeysa ee ay ku buriyeen natiijadii ay hore ugu dhawaaqeen Komishanka degmada Hargeysa. Komishanka doorashooyinka ayaan ilaa hada la ogayn asbaabta ay ugu dhawaaqi waayeen natiijada cusub ee codadka Hargeysa ee Maxkamada gobolka Maroodijeex ay dib ugu soo celisay, wallow ay galiyeen Website-kooda natiijada dambe ee ay tii hore ku bedeleen. Iyadoo shacbiguna ay ku jahawareereen go’aanada isburinaya ee komishanku ka soo kala saareen codbixintii doorashada ee ka soo baxday degmada Hargeysa, taas oo Komishanka ku noqotay fashilaad weyn inay cadayn kari waayaan codadka rasmiga ah ee ka soo baxay caasimada Hargeysa. Dhinaca kale Komishanka doorashooyinka qaranka ayaan ilaa hada ku dhawaaqin natiijadii rasmiga ahayd ee ka soo baxaday doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 November 2012-ka, taas oo gudoomiyaha Komishanka Mr Ciise Yuusuf Xamari maalintii codbixinta doorashadu dhamaatay uu warbaahinta ka cadeeyay in muddo todobaad ah ay ku soo saari doonaan natiijada rasmiga ah ee ka soo baxda codbixinta doorashada golayaasha deegaanka, iyadoo ay ka soo wareegtayna muddo laba todobaad gaadhaysa

Comments are closed