|

Komishanka Doorashooyinka Oo Jawaab Ka Bixiyey Cabashooyin Ka Soo Yeedhay Qaar Ka Mid Ah Ururadda

Dec 4, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa ka hadlay qaabka ay doorashadu u dhacday iyo hanaanka loo mari karo wixi cabashooyin ah.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) uu sheegay in doorashadii Golayaasha degaanada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 28-kii bishii hore ay u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Mudane Ciise Xamari waxa kale oo u sheegay in doorashadu ahayd tii golayaasha degmooyinka isla markaana go’aankeedu aanu ku koobnayn xarunta guud oo kaliya, laakin natijooyinka hordhaca ah lagaga dhawaqayo dagmooyinka , gudiga sare ee doorashooyinkana ay leedahay go’aanka kama danbaysta ah.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka oo ka hadlayey haddii ay yimaadan cabashooyin waxa uu sheegay in dastuurku u baneeyey dariiqo loo maro dacwadahana loo gudbin karo maxkamadaha heer gobol mudada todobada maalmood ah ee ka danbaysa marka lagu dhawaaqo natijada kama danbaysta.

Cadceednews, Hargeysa

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey