|

Ilaahay Wuxuu Ka Badbaadshay Somaliland Mijo Xaabintii Ururka XAQSOOR (Ma Akhrideen Xeerka Statuga Ururka Xaqsoor) By Abdi Caraale

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda reer somaliland, ka dib waxa dad reer somaliland ah oo lagu kalsoonaan karaa iiga warameen in xeerka ururka xaqsoor uu ku jiro waxyaalo khatar gelin kara jiritaanka somaliland, ku abuuri kara umadda iska hor imaad iyo isku dhac. runtii markii aan maqlay waxaan isku dayey in aan raadiyo, xeerkaa ururkani samaystay, hase yeeshee iimay suurta gelin in aan helo si aan u akhriyo, sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan u soo bandhigo umadda si ay u raadshaan oo u akhriyaan, waxyaalaha la sheegay in ay ku qoran yihiin waxa ka mid ah;

- In la baaba’sho lixda ama ka badanba ee gobol ee somaliland ka kooban tahay, lagana dhigo laba gobol oo keliya, oo dalka u kala qaybiya bari iyo galbeed, sidii ay ahaan jirtay wakhtigii somaliya ay ahaan jirtay sideed iyo tobanka gobol, ee waqooyigu ahaa laba gobol oo qudha.

-In somaliland loo sameeyo madaxweyne iyo ra’iisalwasaare, lana baabi’iyo qaabka madaxweyne ku xigeenka.

-In madaxweynuhu fadhiisto hargeysa, raiisalwasaaruhuna magaalda burco.
Hadii tusaale aan uga soo qaadano intan, waxa ay ii sheegeen in waxyaalo aad uga badani oo la mid ah kuwani ku jiraan xeerka ururkan, oo khater, kala qaybsanaan, iska hor imaad, iyo nabad gelyo daroba ku keeni kara dalka. hadii arikaasi dhab yahay waxa la odhan karaa umaddan ilaahay baa jecel, goor walba ka badbaadsha waxyaalo badan oo aanay ogeyn. waxaan rajeynayaa in warkaasi noqdo mid aan waxba ka jirin, waayo ururkan waxa hogaansha mujaahid umaddu aad u tix geliso. haddii uu noqdo mid aan jirinna, waxaan u sii hore marinayaa ictidaarkayga, iyo raali gelin tayda, bahweynta ururka iyo hogaamiyeyaashiisaba.

QORE; ABDI ARRALE.
arrale2011@hotmail.com

Comments are closed