|

Hambalyo Shacabka Reer Awdal Doorashada Goloha Deegaanka Ee Degmooyink​a Baki, Lughaya,Ze​iylac oo Iska Furfuray Xadhkihii Lagu Xidhidhay 55 ka Hor By Mahammed Abdirahman Sharif

Shacabka Reer Awdal ayaa Ahaa qaar Dhoobada siyaasada ku dhaganaa Sida Raha mudo fog islamarkaana carabkoodu ku dhaganaa lan-gadhaxa afkiina juuqda gabay waqtiyo lasoo maray ayaa muujiyay dardar cusub oo ay kusoo ceshanayaan sharaftooda iyo karaamadooda khatarta gashay ee Siyaasadeed dhawaanahan,Taasina waxaa sabab u ah Siyaasada reerka oo dhiig cusub qaadatay dhawaan ayaa keentay in dhalinta Reer Awdal Ka Dhiidhiyaan dhag xumo iyo dheef la’aanta olole iyo wacyigalin dheer ka dib waxaa suurta gashay inay fahmaan waxa qaldan sababtoo ah hadii aadan fahmin halka dhibtu ka jirto ee sartu ka qudhuntay waligaa xal iyo xul midna kuuma suurtoobayso si aad u maarayso hawlaha deegaanka iyo dadkaaga taasi ayaa keentay inay iska qaadaan dhalinta cusub raro qoyan, dhagax weyn iyo buste hadaaray oo dusha laga saaray mudo 55 sano ka hor waana guusha uu horseedka u yahay siyaasiga usoo baxay ee daacada ka ah Siyaasada Gobolka Awdal Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Eng : Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil ( Zeiylici ) oo seegay dhamaan danihiisa gaarka ah kuna daalay danta shacabka guud ee Reer Awdal iyo Tan Somaliland waqtigiisana Galiyay guusha aan haysano.

Siyaasigan Ayaa Dadaalkiisa Siyaasadeed kasoo Bilaabay Meel Halis Ah Isagoo Ku Dhiiraday Inuu Afka Ciida U daro Siyaasiyiin badan oo u dhashay Awdal oo aan daacad u ahayn Siyaasada gobolka Awdal lagasoo bilaabo ilaa shirrarkii lagu yagleelay maamulka Somaliland ee ka dhacay Burco 1991 iyo 1993 Borama ayaa kusoo jiray dariiqa Siyaasada si uu u halelo hogaanka reerka ayaa usoo maray olole ay kaga baxday hawl dheeraad ah una huray hanti badan,Siyaasigan da’da yar ayaa isha ku hayay ciyaarta lagu badbaadin karo dalkiisa iyo dadkiisa ayaa soo maray marxalado kala duwan isagoo kasoo gudbay hagar daamooyin badan oo ay ku hayeen qabiilka uu ka dhashay ee Samaroonka Reer Awdal dhamaantii waxaanu kagasoo baxay samir , dulqaad , hoos isku dhigid iyo dhiiranaan, afmacaan iyo is qaad qaad la’aan ayaa keentay inuu maareeyo habsami u socodka siyaasada beesha oo ay ku jirtay mudo jaho wareer keenay is faham la’aan dhexdoda ka timiday oo ay keentay siyaasiyiinta reerka u badnaa rag ku jiray dantooda gaarka ah ayagoo ka muquurtay dantii guud ee wadanka iyo gobolkaba.

Siyaasigan guusha u horseeday Reer Awdal ee Cabdiraxmaan Zeiylici ayaa madaxa kalsoo mudh yidhi kadib doorashadii xisbiga Kulmiye oo loogu doortay madaxweyne ku xigeen waana guushiiisii u horeeysay ee siyasadeed isagoo kagana guulaystay rag badanoo la tartamay,Waxaa kale oo ku xigtay tii madaxtooyada ee dhacday 26 Jun 2011,firfircooni iyo kalsooni uu isku qabo ayaa keentay inuu ku dhiirado siyaasad bilaa turxaan ah isla markaana ciyaaro Card siyaasadeed cusub oo aanay hore u ciyaarin siyaasiyiinta ka da’weynayd iyo kuwii la da’hayadba waana mida ka fajiciyay dad faro badan oo quus ka joogay siyaasada Reer Sheekh Samaroon oo ciin daaqay.Mudane Madaxweyne Ku xigeenka Ayaa maanta ku amaanan guulaha siyaasadeed ee ay gaadheen Reer Awdal dhinac kasta waana mid uu istaahilo in lagu amaano qofka wax wanaagsan u qabta gobolkiisa iyo wadankiisa si loo gaadho horemar siyaasadeed.

Aan usoo noqdo sida ay u dhacday Doorashada Golaha Deegaanka Ee Degmooyinka Baki,Lughaya iyo Zeiylac ayaa qaar si fiican u dhacay inkasta oo ay ku nafwaayeen dhalinyaro u dhalatay gobolka AUN ehehlkoodiina Samair iyo Imaan Allaha kasiiyo ayaga iyo hal askari oo ku dhintay isna Borama buuq ka dhacay goob ka mid ah halkaasi.Waxaa hambalyo u jeedinayaa shacabka Reer Awdal ee si xilkastnimo ah u codeeyay guul aanan soo koobi karina ka keenay oo aan aad ugu farxay waana gartay in aan idinla wadaago dhamaan wanaaga iyo wax kasta oo aad keentaan maadaaba aan ka mid ahay shacabka Reer Awdal dhib iyo dheef waan la dareensanahay inta wax fahmaysa iyo inta dadaalaysaba waana arin fiican tan maanta ay ku dhiiradeen inay si nabadgalyo ah ugu codeeyaan golaha deegaanka ee gobolka Awdal hambalyo ayaan leehay Reer Awdal.

Borama oo aan la shaacin ilaa hada ayaa dhiman taasina waa guul kale oo aan sugaayo in aan indhagayga ku arko walaahi waan sugu kari la’ ahay ilaa hada waxaanan ku boorinayaa Koomishanka inay noogu dhakhsadaan shaacinta natiijada degnada Borama.

Viva Madaxweyne Ku Xigeenka Cabdiraxmaan ( Zeiylici )

Viva Reer Awdal.

Viva Somaliland.

Mahammed Abdirahman Sharif
guallab@gmail.com

Yemen Sana’a.

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey