|

Hambalyo Hambalyo: Maayarka Cusub Ee Degmada Borama By Maxamed Cabdi Qaabil

Waxaan marka hore salaamayaa warbaahinta xorta ah ee Somaliland, gaar ahaan shabakada Cadceednews. Waxaan si aad iyo aad ah ugu hambalyaynayaa Maayarka cusub ee degmada Borama ay yeelan doonto Xildhibaan Cabdi cismaan dhagaweyne oo noqday xildhibaankii ugu codka badnaa ee ka soo baxay degmada Borama.

Xildhibaan Cabdi Cismaan wuxuu ka faa’idaystay nidaamaka cusub ee Somaliland ee odhanaya waxaa Mayar noqonaya Xildhibaanka ugu Cod badan inta tartamaysa, kaasoo haysta rabitaanka shacaba codkooga inta ugu badan.

Hadaan inyar ka tilmaamo aqoonta aan u leeyahay saaxiibkay Xildh. Cabdi Cismaan, waa nin dhalinyaro ah oo aqoon badanle, isla markaana ah nin furfuran oo dhexgal iyo dabeecad wanaagsan leh. Waxaanan aaminsanahay inuu yahay ninka ugu mudan ee maanta dhibta dadka ka saari kara, xildhibaanada iyo shacabkana u horseedi kara midnimo iyo cadaalad.

Sidii uu horay u balan qaadaday Xildhibaan Cabdi cismaan wakhtigii doorashada , wuxuu sheegay inuu qashinka magaalada daadsan ay noqon doonto talaabada ugu horaysa ee uu qaadi doono.

Waxaan leeyahay hambalyo maayarka cusub ee magaalada Borama, waxaanan leeyahay noqo kii dadkiisa iyo dalkiisaba si cadaalada ugu adeega.

Maxamed Cabdi Qaabil
Borama, Somaliland

Comments are closed