|

Gudoomiyaha Urursiyaasadeedka Xaqsoor Iyo Taageerayaashiisii Oo Dagaal Sobabay Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Bilaabay Caasimada Dalka Ee Hargeysa.

Dec 7,2012 Hargeysa(Cadceed) - Waxaa tan iyo galinkii danbe ee shalay isasootaraayay dagaalo xoogan oo ay ka bilaabeen caasimada Somaliland ee Hargeysa, dagaaladani oo la sheegay in uu sababay kadib markii lagu dhawaaqay natiijada guud ee Hargeysa oo ahayd mida kaliyahaata ee lasugaayay maalmihii ugu danbeeyay islamarkaasina la shaaciyay tirada iyo kuraasta ay kala heleen xisbiyada iyo ururadu.

Hadaba isku dhacani ayaa waxaa uu sobabay dhimashada 3 qof oo kala ahaa Askari Boolisa iyo laba qof oo rayida halka ay ku dhaawacmeen dad tiradooda lagu qiyaasay 13 qof, arintani ayaa waxaa ilaa maanta oo jimce ah la tacaalaaya odaydhaqmeedka iyo xukuumada oo ku dadaalaaya sidii ay ugu dabaalilahaayeen nabad iyo is afgarad.

Sidoo kale waxaa markii ay ahayd saacadu abaaro 4:00 galabnimo la soo sheegayaa in dagaalkii istaagay iyada oo dagaalkanina uu ahaa mid istaag galiyay habsami u socodkii caasimada Hargeysa iyada oo aanay jirin habayaraatee wax gaadiida oo u talaabaaya daanta shishe amaba wixii ka shisheeya xaafadaha Biriishka Hargeysa.

Sikastaba ha ahaatee arimahani foosha xun ee ku soo cusboonaaday dalka ayaa waxaa la sheegayaa in ay sobab u tahay oo loo aanaynayaa gudoomiyaha Urursiyaasadeedka Xaqsoor oo isagu mudooyinkii ugu danbeeyay ka aloosaayay colaad dadka degan Deegaanada Saylac iyo Lughaya ee ka tirsan Gobalka Awdal islamarkaasina arintaasi ay u dhiciwayday.

Iyada oo ay dadku arintaasina ku falanqaynayaan in dhibaatadii Xasan Ciise ka dooyay galbeedka Somaliland in ilaahay iyaga ku celiyay, inkasta oo ay jiraan dad aad u tirabadan oo soo dhaweeyay Dhicitaanka urursiyaasadeedka Xaqsoor oo hada ka mida ururada ku hadhay isreerbreebkii ugu danbeeyay.

Wariye Cabdi Ismaaciil Nuur.

Cadceed.com Hargeysa.

Comments are closed