|

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Warbixiyay Doorashadii Ka Dhacday Deegaanada Gobalka Sool.

Dec 6,2012 Hargeysa(Cadceed) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanu ka dagayn Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) mansabkiisa haddii uu ururkiisa WADDANI ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee ku soo baxa doorashada deegaanka.

Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu sidan ka sheegay mar uu xalay u waramayay Talafiishanka madaxbanaan ee Horn Cable TV, waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isku hayn doono labada xil haddii uu ururkiisu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee la filaayo in ay soo baxaan maalmaha fooda inagu soo haya.

Sidoo kale waxaa uu gudoomiye ku xigeenku intaasi ku daray in qofkastaa’iba uu xaq u leeyahay in uu tartamo isaga oo sharciga ilaalinaaya, markastana waxa wanaagsan in aan dadku ay la jaanqaadaan diimuqraadiyada oo uu sheegay inay tahay in la ilaaliyo wixii horumar waajahaaya ee sharciguna kuu ogolyahay.

Guddoomiye Ku xigeenka oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan labada mansab ee Guddoomiye Cirro waxa uu ku jawaabay “Guddoomiyuhu labada xilba wuu isku hayn karaa, isaga oo guddoomiye ah ayuu labada hayn karaa.”

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad waxa kale oo uu sheegay in doorashada Golaha deegaanka si nabadgalyo ah uga dhacday gobolka Sool, isla markaana waxa uu tilmaamay in aanay doorashadu ka dhicin degmada Xudun.
“Waxa ay ahayd markii u horaysay ee doorashadu si fiican oo nabad-gelyo ah uga dhacdo gobolka Sool. waxaanan ku faraxsan nahay in maanta ka codeeyeen 24,500 qof, iyada oo sanadkii hore ay tiro intaa ka yar ka codaysay,”ayuu sheegay Guddoomiye Ku xigeenku.
Waxaanu intaasi ku ladhay “Degmada Xudun doorasho kamay dhicin, inta kalese si fiican bay uga dhacday.”

Sikastaba ha ahaatee waxaa maalmihii ugu danbeeyay jiray masuuliyiin k tirsan ururada iyo axsaabta oo ku cabanaaya in dawladu kaga shubatay gobalada Bariga, masuulkani maanta arintani ka hadlayna waxaa uu ka soo jeedaa deegaankaasi ay ka cabanaayeen ururada iyo axsaabta qaarkood.

Warqabadka Cadceed.com

Hargeysa, Somaliland.

 

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey