|

Dhageyso Radio Cadceed: Dr Cali Baxar Oo Si Adag Uga Hadlaya Fadeexada Xukuumada Siilaanyo Ka Wado Degmada Saylac, Soona Bandhigay Xaqiiqooyin Taariikhi Ah

Dec 31, 2012 Houston(Cadceed) – Waxaa maanta Studio Radio Cadceed u suurta gashay inaan waraysi qiima badan la yeelano Dr Cali Ibrahim Baxar oo ka mid ah aqoon yahanka reer Saylac ee ku dhaqan Wadanka maraykanka gaar ahaan magaalada Houston ee gobolka Texas, Dr Cali Baxar wuxuu si adag uga hadlayaa xaalada cakiran ee ka taagan degmada Saylac ee ka dhalatay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, taasoo aqlabiyada deegaanka Saylac ku guulaysteen 10 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha aqlabiyada ka ah Gobolka Selel, balse ilaa iyo hadda aan la dhaarin, taasoo dhalisay in Madaxweyne Siilaanyo si toos ah u soo farageliyo isla markaasna jeclaystay inuu sharciga iyo nidaamka ka leexdo kana dhigo Maayarka Saylac shakhsi ka soo jeeda beesha laga guulaystay ee Ciise Arrintaas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Wararysigan waxaa inoo daadihinaya Wariye Rooda Raaxo, waxaana isku soo duba riday farsamayaqaanka weyn Cabdoo Bakal ee dhageysi haboon.

Halkan Guji Oo Ku Dhageyso Mobile-kaaga

Kala Soco Shabakada Cadceednews Warar Xaqiiq Ah Oo Sugan Iyo Waraysiyo Xiiso Leh

Comments are closed