|

Baaq Ka Soo BaxayJaaliyada Beelweynta Reer Nuur Ee Degan Dalka Switzwerland

Marka hore Dhamaan shacab waynaha muslimiinta ah meel kasta oo ay Aduunka kaga noolyihiin waxan ku salamayaa salaanta islaamka ASALAMU CALAYKUM WA RAXMA TULLAAHI WABARAKAATUHU Marka xigta waxan si sharaf leh u salamayaa saxaafada xorta ah ee Cadceed ee buslashada ugu adeegta si siman, Intaa dabadeed waxan si gaar ah u salamayaa Shacabka somaliland gaar ahaana gobolada galbeedka somaliland ee aan kasoo jeedno.

Aniga oo ku hadlaya Afka Qawmiyada R.Nuur ee degan Dalka Switzerland. Intaa dabadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay anoo isku dayaya inaan u jedada maqaalkan aan idiin iftiimiyo intii awoodayda ah akhristayaal waxan maalmahan danbe ku arkaynay qaybaha war baahinta in dhalinyar Xusayaysay Maalinta Xaasuuqii Seemaal loo taxaabay xabsiga magalada Borama .

Marka hore waxa wax laga xumaada ah oo waliba laga yaayaqsoodo ah damiirka caadifada ka fayaw iyo caqliga saliimka ahba marka ay maqlaan ay aad ula yaabayaan dad dadkoodii xaqdaro lagu laayay oo illaa hadda aan kuwii falkaa waxshinimada leh gaystay aan cadaalada la horkeeno waba meelo fog,e ayna xataa cidna ku odhan waxa aad gaysateen waa wax xun oo kaliya in Dad Shucuurtooda Murugada leh cabiriyay xabsi loo taxaabo Xaasha,lilaah waa ceeb caleeg waana wax aad looga nadaamoodo Beesha dhexe ee aan ood wadaaga nahay haddii aan R. Nuur nahay miyayna isku fiirsan marka ay lafahooga Bulsho Waynta Caalamka tusayaan way la saxantahay iyaga marka ay waxaa samaynayaan laakiin in ay Dadka laayaan dabadeedna wixii caqligooda kusoo dhaca sameeyan agtooda waxay ka tahay wax iska caadiya laakiin haddii aan nahay Qawmiyada R, nuur ee ku kala nool daafaha dunida iyo kuwa dalka jooga dhamaantayo kama codsanayno inay Cadaalada horkeenaan kuwii falkaa gaystay waxshinimada leh anaga ayaa Cadaalada horgaysan doona dadkaa iyaga ah 1000 sano ha nagu qaadato kama baryayno Beesha dhexe inay ragaa gacantayada soo galiso anaga ayaa garan karna isla markaana Dareemi kara wixii Danahayga hagaya iyo sidii qof walba oo qalad naga galay haddii aan nahay Qawmiyada R.Nuur aan waajibkiisa u marin lahayn wax anaga noo yaala weeyi laakiin waxan ugu Baaqaynaa askarta borama joogta wali idinka waan idin sharfaynaa oo waan idin karaamaynaa anagoo idiin xigta miisayna waliba oo Samarooninadiina qiimaynayna fadlan waxan idiinku baaqaynaa inaad ka waantowdiin waxa magac xumada idiin soo jiidaya askariga maanta u adeegaya dad inaga Nafaheena,Hantideena iyo Dhulkeena duulimaad ku ah bari isna wuxu maanta umada gashaday ayuu midhaheeda cuni doonaa marka waxan mar koowaad iyo mar labaad ugu baaqayaa askarta Reer Awdal wali nu inima fogayn ee wax iskula hadha Shacabkana idinka ayaa ka dhashee u tudha oo ka daaya dhibta iyo hatigaada waxba waarran hargaysa laga soo jaray oo uu soo yeedhay alifle darajada u sito aan la cadayn karayn meel u ku qaatay iyo cid siisay toona oo habeenkii guryaha hoostooda lagu dalacsiiyo darajo awna kasban la siiyo fadlan ha laga waantoobo Reer Awdaloow idin bixin maayo bari marka aan isa soo hor fadhiisano dib ha la iskugu noqdo hana laga waantoobo dhacdooyinka foosha xun ee ay dadka nala dhashay ku dhaqaaqayaan hadalkaasi waxa uu khuseeyaa dadka aan dhiig iyo dhalashadu naga dhaxayso ee Samaroon Beesha dhexena xisaabteedu waa meel la ismana cafin doono

Dhalintayarada la Xabisay

Dhalinyarada la xabisay ee ay dhalashadu naga dhaxaysana in yarbaan leehay walaalayaal waan ognahay dhibta iyo hatigaada la idiin gaystay waana meel ka dhac cad oo aan geedna loogu soo gaban laakiin taa jawaabteedu waxa weeyi sharaftiina cisigiina iyo karaamadiina ayay mar walba kor usii qaadaysaa mar walba iyo meel walba oo aad joogtaan hoos u dhac idinkuma keeni doonto halgankiina iyo inta aad wax qaldan oo sharaftiina dulli ku ah aad diidii kartiin diida taas ayaa aakhira iyo aduunba idiin wanaagsane waanan idiin ognahay walaalayaal haddii aan nahay qurbo jooga Qawmiyada R.Nuur Mar walba iyo meel walba oo aad joogtiina walaalayaal maciina ayaan nahay wax walbaana sida aan rabno ayay noqon doonaan haddii aan samirkeed yeelano waxan isku dayaynaa inaan si dhamaystiran aan iskugu xidhano dal iyo dibadba taa macnaheedu ma ,aha inaan nu isku xidhnayn waan isku xidhanahay hadda laakiin waxa jirta kala daadsanaan aan sii badnayn taana sida ugu dhaqsaha badan ayaan u dhamaystiri doonaa .

Haddii uu qoraalkayga qayb ka mida Qawmiyada R.Nuur dhibsanayso Raali galin qaran ayaan lehay

Haddii dadka aan dhalashada wadaagno ee samaroon dhibsadeena iyagna sidoo kale Raali galin qaran ayaan leehay

Dhamaantiin waxan idiin rajaynayaa Dadka ila Damiirka ah ee ay Danta guud naga dhaxayso

.Nolol Wacan

.Barwaaqo Balaadhan

.Hami Fog

.Horumar Suuban

Wabillaahi Tawfiiq…Nooli Kulantee.

Mohamed Mohamoud Shirdoon

EmailAdress:Awdal06@hotmail.com

Switzerland.

Comments are closed