Amaano Kugu Raagtay Xoolahaaga La Moodaa(Gabaygii Ina Gunti Weyne) By Mohamed Gacan
wa gabaygii gunti wayne . waxan ugu talo galay inay dadka indha indheeye suuganta ay dhuuxaan fikirka ku aadan anaa leh . anaa ka taliya . cidi ilama leh . iyo waliba eryega aniga .
xoolo kasta nin kiisa aya iska leh . dhulkan ma guuro amana gaboobo . ninba waxa laga hayay . abti abti laysku baxsha iyo aana layska duwaa ma iidley ka danbeysay . colada raagtey ee abka ab jiretey dadka qaar aya si fudu u ilaawa . ina guntey wayne wali ma dhiman . siyasadii ina gunti wayna ayana wali shaqaysa nin kaan tasi ogoynow hada ku toos.
inkastoon balaayooy
kaa baydhow waligaa
baadidayda iga maqan
beerku uu tabayana
baylah kuma ilaawee
waan badi goobaa
amaanada mar baadoo
kugu bariday waayana
xoolaha badhkoodiyo
baqaya la moodaa
sadexdii bilawaa
beerkeyga jarayee
maba bixiyeen maashaan
boqolaal gu’oo hore
balwadiyo ciyaraha
baalay ka marin jirey
waxa bada ka guuxaa
beerkeyga qaadoo
kibirkaad la boodaa
i baleeyey anigana
adaa laba bugleeyee
inan baydka kaa raro
go’ kugu banaanaa
xayndaabka beertey
biqiliyo hadhuudhkii
kama beerin wayadana
waxa buuxshey uurkey
xumahaad la boodeee
u ciyartey botoree
sankuneefle badankii
xeroday ma boodaan
ku balwaysay maalmahan
marka aad baxayseed
duminayso baradaa
buuraha jinkee dheer
iyo xaqsoor bad ku boodaa
loo laguu bidhibidhiyaa
baroortaada badataa
baahi kaama goysee
gunti wayne iga baydh