|

Kooxda Fanaaniinta Deegaan Ee Dalka Jabuuti Oo Munaasibada Soo Dhawayn Ah Loogu Sameeyey Magaalada Muqdisho


Oct 1, 2012 Muqdisho(Cadceed) – Munaasibad Balaaran Oo lagu soo dhaweynayo Fanaaniita Deegaan ee Dalka Jibuuri ayna ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya Ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, fanaaniinta kooxda deegaan ee Dalka Jabuuti,fanaaniinta ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay fanaaniinta Walaalaha Jabuuti sida ay ugu dhiiradeen iney yimaadaan xiligan magaalada Muqdisho oo ay ka qeybqaataan wacyigelinta shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Dhalinyarada,Shaqada,Shaqaalaha iyo Sportiga Prof Qaloocoow oo isagana munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele sida uu u gacan qabtay fanaaniinta kooxda deegaan.

Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen uu isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ku booriyey fanaaniinta kooxda deegaan ee dalka Jabuuti iney sii wadaan dadaalladooda ay ku wacyigelinayaan shacbiga Soomaaliyeed.

Markii ay munaasabadda soo idlaatay ayaa waxaa mas’uuliyiinta,fanaaniinta,saxafiyiinta iyo qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda ay si wadajir ah qado sharaf ugu qaateen gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

Cadceednews, Muqdisho

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey