|

Gudoomiye Xigeenkii Sadexaad Ee Urur-siyaasadeedka WADANI Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere Oo Si Heer Qaran Loo Aasay(Daawo Sawirada)

Oct 17,2012 Hargeysa(Cadceed) – Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI ayaa saaka abaaro Tobankii subaxnimo si heer qaran ah loogu aasaya xabaalaha Naasaha hablood ee Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Waxaa aaska ka soo qayb galay Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Guddoomiye ku xigeenada Ururka WADDANI, Guddoomiye ku xigeenada  Shir Gudoonka Golaha Wakiilada, Wasiirada  Cadaalada, Duulista iyo Hawada, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga talada Haya ee Kulmiye, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Ururka Umada, Madaxweyne ku xigeenkii Hore Axmed Yuusuf Yasiin,  Agaasimayaal, Xildhibaano, xubno ka socday Ururada iyo Xisbiyada kale, Taraageeyaaasha Ururka WADDANI iyo boqolaal ka tirsan dadweynaha.

Masuuliyiintii aaska ka soo qayb galay ayaa dhamaantood waxay tacsi u direen ehelkii, qarabadii, Ururka WADDANI iyo shacbiga reer Somaliland ee uu marxuumku ka baxay, waxanay ilahay uga baryeen in uu naxariistiisa ka waraabiyo samir iyo iimaana uu ka siiyo dhamaan  umada Reer Somaliland gaar ahaan ehelada iyo Ururka WADDANI.

Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere waxa uu ahaa rukumada ugu miisaanka culus Madaxda Ururka WADDANI, waxaanu ka mid ahaa aas-aasayaashii dhidibada u taagay Ururka WADDANI isla markaasna dadaal iyo karti dheeraad  ah ku bixiyay intii uu jiray Ururka WADDANI taas oo dadkii saaka aaska ka qayb galay ay qireen in  Marxuum Cabdilaahi Siciid Dheere ahaa nin karti iyo fir-fircooni la saaxiib ahaa.

Iyada oo Alaha u naxariistee marxuunka uu maalintii shalay ahayd gaadhi kula gadoomay meel shan KM dhinac Berbera ka xigta Magaalada Abdaal ee Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil ayaa maydka marxuunka loo soo qaaday magaalada hargeysa iyada oo aaskii qaran ee loo sameeyayna sidatan u dhacay.

Nuur Ismaaciil

Hargeysa Somaliland.

Comments are closed