|

Allaha U Naxariistee Waxaa Xalay Dalka Norway Ku Geeriyooday Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac( Gaariye).

Oct 1, 2012 Haargeysa ( Cadceed)- Innaa Lillaahi waa inaa Illeyhi raajicuun. Waxaa xalay saq badhkii ku geeriyooday dalka Norwey gaar ahaan dhakhtarka magaalada Gjøvik ee gobolka Oppland abwaankii weynaa ee caanka ka ahaa geyiga soomaalidu degto ee Maxamed Xaashi Dhamac( Gaariye).

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.

Warar aanu ka helayno meelo badan ayaa sheegaya in abwaanka lagu aasi doono dalkii oo aas qaran loo samayn doono laakiin waa war aan weli kala shiilnayn.

Ilaahay naxariistiisa janno ha aka waraabiyo marxuun Gaariye.

Cadceednews, Hargeysa

Comments are closed