|

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Kulul U Cambaareeyay Gudida Diiwaan Galinta Iyo Xukuumada Oo Ay Sheegeen Inay Ka Dambeeyeen In UDUB Hawada Ka Baxdo

Sep 16, 2012 Hargeysa (Cadceed)-Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Somalilnad Isla Markaana Kamida Xildhibaanadii Lagasoo Doortay Xisbiga Udub Ayaa Gaf Cad Oo Badheedha Ku Tilmaamay In Gudida Diwaan Galintu Xisbiga Udub Ka Saaraan Saaxada Siyaasada Somaliland.

Shir Jaraa,Id Oo Ay Maanta Xildhibaanadani Ku Qabteen Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Xildhibaan: C/Raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), Xildhibaan: Axmed Barkhad Obsiiye, Xildhibaan: Xuseen Ismaaciil, Xildhibaan: Baar Siciid X.Faarax, Oo Ka Tirsan Xildhibaanda Golaha Wakiilada Somaliland.

Shirkaasi Jaraa,Id Ayaa Ugu Horaynba Waxaa Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Xildhibaan C/Raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) Oo Si Kulul U Cambaareeyey Gudiga Diwaan Galinta Kuna Tilmaamay Laalitaanka Xisbiga Udub Fal Sharci Daro Ah Oo Ay Ku Keceen Gudida Diwaan Galintu Waxaanu Yidhi “Maant Anagaa Iskugu Kiin Yeedhnay Hadaad Tihiin Saxaafada, Runtiina Xildhibaanada Halkan Fadhiya Iyo Qaar Kale Oo Naga Maqanba Waad Garanaysaan Xisbiga Lanaga Soo Doortay Ee Aanu Ku Fadhino Golaha Wakiilada, Markaa Ujeedada Uyeedhistayadu Waxay Ahayd Fal Sharci Daro Ah Oo Ay Ku Keceen Gudida Diwaangalintu Maadaama Aanu Anagu Nahay Qoladii Ansixisay Gudida Diwaan Galinta Waliba Gaar Ahaan Aan Anigu Ahay Xoghayihii Ansixiyey Gudida Diwaan Galinta Ee Shuruucda U Dejiyey, Waxaanu Leenahay Gudidii Diwaan Galinta Ee Aanu Ansixinay Waxay Ku Keceen Fal Sharci Daro Ah Oo Ay Ku Laaleen Xisbigii Udub, Hadaba Waxaanu Ugu Baaqaynaa Umada Reer Somaliland Inay Arintaa Foolxumada Ah Ee La Sameeyey Ee Sharci Darada Ah Inay Ka Foojignaadaan Oo Ogaadaan In Xisbigii Hooyada Axsaabta Ahaa Si Sharci Daro Ah Lagu Baabiiyey Dimuqraadiyadiina Lagu Tuntay” Ayuu Yidhi C/Raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog).

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Shirkaasi Jaraa’id Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Xildhibaan: Xuseen Ismaaciil Oo Ku Tilmaamay Badheedh Cad Oo Aan Geedna Loogusoo Gaban In Gudida Diwaan Galintu Laalaan Xisbiga Udub Waxaanu Yidhi “Runtii Xisbigaa Udub Ee Uu Ka Waramay Taariikhdiisa Xildhibaankii Iga Horeeyay Waa Been Weeyi Sharxina Maaha, Waxa Weeye Badheedh Aan Geedna Loogusoo Gaban, Kaasoo Aan La Garanayn Cida Ka Dambaysa, Hadaba Ma Xisbi Kanaxayaa Ka Dambeeya Ma Qaar Saaxada Yaan Laydinku Cidhiidhyin Leh Ayaa La Dambeeya Mooyaan, Runtii May Ahayn Inay Caynkaasi Dhacdo Waxan Distoor Ayaa Jira Distoorka Qawaaniiin Laga Dheegtay Ayaa Jira Meel Ala Iyo Meel Ay Ku Taalo Waan Laalnay Oo Sharci Ahina Maajirto, Arintaa Waxaanu U Baahinaynaa Dadwaynaha Taageera Xisbiga Udub Waxaanu U Baahinaynaa Oo Kale Caalamka, Xisbi Qaran Oo Tartan Galay Oo Inta Laga Helay Si Sharaf Leh U Wareejiyey Hadii Imika Laga Helaha Si Wanaagsan Iskaga Tanaasuli Lahaa Ayaa Wax Dhacay Mooyaane La Yidhi Saaxada Ka Sara Runtiina Waa Laysku Gaashaan Buuraystay Taasina Dhici Mayso, Waxaan Halkan Ka Cadaynayaa Inaanay Udub Sidan Ku Dhiman Kuna Dhiman Karaynin Dadkeediina Waa U Heelanyahay, Wuxuunbay Diideen Oo Qaadeceen Inay Ka Qayb Galaan Dawladaha Hoose” Ayuu Yidhi Xildhibaan: Xuseen Ismaaciil.

Xildhibaan “Axmed Barkhad Obsiiye Oo Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Ayaa Ku Tilmaamay Arinkan Xisbiga Udub Lagula Kacay Arin Aan Wali Hore Uga Dhicin Somaliland Waxaanu Yidhi “Waxa Weeyaan Arinkan Xisbiga Udub Ku Dhacay Waa Arin Aan Jiri-Jirin Waxna Waa Wax Curada Waxna Waa Wax Uguba Arinka Ku Dhacay Anuu Waxan Leeyahay Waa Ugub Waayo Waxa Weeyaan Xisbiga Udub Wuxuu Ahaa Xisbigii Sideeda Sanadood Talada Soo Hayay, Wuxuu Ahaa Xisbigii Cadaalada, Wuxuu Ahaa Xisbigii Dimuqraadiyada, Xisbigii Talada Markii Laga Helay Wareejiyey Buu Ahaa, Waxa Weeyaan Waxa Aad Iyo Aad U Nasiib Daro Ah Marka Loo Adeegsado Hay’adihii Meelihiii Dawlada Ee Sharciga Loo Abuuray In Iyagii Musuq-Maasuq Loo Adeegsado, Gudida Diwaan Galinta Anuu Waxaan Qabaa In Loo Adeegsaday Musuq-Maasuq, Sharcina Way Ku Dhisantahay Sharcina Inay Ilaaliso Ayay Ahayd Oo Cadaalad Ay Sugto” Ayuu Yidhi Xildhibaan” Axmed Barkhad Obsiiye.

Gebagabadii Shirkaasi Jaraa’id Ayaa Waxa Iyaduna Hadal Kooban Ka soo Jeedisay Xildhibaan Baar Siciid X.Faarax Iyada Oo Sheegtay In Xisbiga Udub Ay Baabiintiisa Rag Ka Dambeeyaan Sidoo Kalena Sheegtay Inuu Xisbiga Udub Yahay Xisbi Aan Dhayal Ku Baababa’yn, Waxa Kale Oo Ay Xustay In Hadii Haweenka Loo Diido Kootada Ay Abaabuli Doonaan Mudaharaad Ka Dhan Ah Haween Waynaha Somaliland

Cadceednews, Hargeysa

Comments are closed