|

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay Inay Door Ku Lahaayeen Doorashooyinkii Madaxtinimo Ee Ka Dhacay Soomaaliya

Sept 22, 2012 (Cadceed) – Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Md: Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Soomaaliya ay xukuumad ahaan raad ku lahaayeen si buu yidhi ay u soo baxaan dad ay la sii waddi karaan wadda-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan labadda xil ee uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu isku hayo, waraaq ku saabsan inay doorasho ka dhacdo deegaano lagu muransan yahay ee galbeedka Somaliland oo uu madaxweynaha u qoray iyo xidhiidhka ka dhexeeya madaxweynaha Somalia oo lagu eedeeyey inay ku wada jiraan ururka Islaamiga ah ee Islaax, kaas oo ah urur islaami ah oo bah wadaag la ah ururka Ikhwaanu muslimiinka ka taliya Masar.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo waraysi siiyey shalay Telefishanka HCTV ayaa arrimahaasi si aan dublamaasi ahayn uga hadlay.

Sidoo kale, wasiirku marka uu ka hadlayey labada xil ee gudoomiyaha Wakiillada ayaa sheegay in imika uu ka tirsan yahay xisbiga KULMIYE oo uu siyaasadiisa ku shaqaynayo, isla markaana u arko in wax u diidayaa aanay jirin in gudoomiyuhu labadda xil isku hayo.

Ugu horayn wasiirku waxa uu dhalinyarada Somaliland ee ka dagaalamaya koonfurta Soomaaliya ee Alshabaab ku jiray ugu baaqay inuu cafis u fidinayo haddii ay ka noqdaan taageeradda ay siinayaan Ururkaasi, isla markaana ay doonayaan inay la noolaadaan waalidkooda iyo eheladooda, isagoo dhalinyaraddaasi la hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa xubnihii dhallinyarada ahaa ee fikirkaasi qaatay ee dagaaladdaas ka qaybgalay, haddii ay ka waantoobayaan oo ehelkoodii iyo dadkoodii doonayaan inay si wanaagsan ula joogayaan oo degan ula joogayaan, waxaanu u fidin karaynaa cafis, bani’aadamkoo dhami way khaldamaan, haddii ay noloshoodii dib u bilaabayaan, waanan soo dhowaynaynaa”ayuu yidhi.

Mar uu wasiirku ka hadlayey Labadda xil ee uu isku hayo gudoomiyaha Golaha Wakiiiladda ee khilaafka siyaasadeed dhaliyey waxa uu yidhi “Runtii maanta siyaasadda dawladda waxa ku dhisan tahay Kulmiye, waxaan qaatay siyaasadda Kulmiye, xilka aan maanta hayana waa xilalka ugu miisaanka culus ee xisbiga Kulmiye, marka hadda suurtogal maaha in aan urur kale dhiso, ma isku hayn karaa mise iskuma hayn karo waxay u baahan tahay in sharciga la waydiiyo ma jiro ilaa hadda markaan caqligayga ku eego sharci odhan kara iskuma hayn karo, waayo xilalka siyaasadda oo dhan ee heer gole deegaan, Baarlamaan iyo heer madaxweynaba waxay ka wareegi karaan marka doorasho lagaga helo, imika maayaradii gobolada oo dhami way tartamayaan, marka gole deegaan oo kale la doorto uun bay ka wareegayaan”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Warqad uu u gudbiyey madaxweynaha Somaliland si goobo lagu muran san yahay halka ay raaci lahaayeen oo uu doonayo iany doorasho ka dhacdo “Madaxweynaha warbixin baan u gudbiyey aan leeyahay goobahaasi waa goobo nabadgalyo ah oo nabadgalyadoodu sugan tahay dadkooduna diyaar u yihiin inay wax doortaan lana doorto, waxa kale oo aan madaxweynaha u sheegay in jamhuuriyadda Somaliland goobo aanay doorasho ka dhicin ay ceeb ku tahay, sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in goobahaasi ay doorashadu ka dhacdo, komishankana ogaysiin baan siiyey, waxa dhiman ee ah muranka iyo taladda kala duwanaashaha deegaanadaasi raacayaan gobol ahaan ama degmo ahaaan si taladu u balaadhato oo layla wadaago madaxweynaha waxaan usoo jeediyey in guddi ka balaadhan loo xil saaro”.

Wasiirka waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta ay xukuumaddu ku lahayd doorashaddii ka dhacday Soomaaliya iyo isbedelkii ka dhacay, isagoo sheegay inay xidhiidh la lahayeen sidii uu usoo bixi lahaa madaxweyne ogol wada hadal in lala furo, isla markaana wada hadalkii u sii waddi lahaa, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Isma naqaano ninkan imika madaxweynaha noqday Soomaaliya shakhsiyan, laakiin Soomaaliya waxa hubaal ah in wada hadal la samaynayo, xukumadan aan ka tirsanahay waxay SoOmaaliya la waday wada hadal soo jiray, imika waa lala sii wadi doonaa, raad baanu ku lahayn doorashaddii, waxa jira cid u cadow ah Somaliland iyo cid wada hadalkii lala sii waddi karo, marka xidhiidhka aanu la lahayn wuxuu ahaa xidhiidh war is gaadhsiineed, waliba xubno aan anigiyo ku jiray xidhiidh baanu la lahayn, waxaanu ka taxadaraynay cidee ayaanu wada hadalkii la wadi karnaa cideese wada hadalkaasi la wadi karayn”ayuu yidhi, isagoo ka jawaabin inuu ka tirsan yahay ururka islaax ee lagu eedeeyey inay ku wada jiraan madaxweynaha cusub.

Xukuumada Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay xubno ururkaasi ka tirsan ay wasiirada ugu waaweyn ka yihiin, taasina ay keenayso inay xidhiidh sokeeye ay wada leeyihiin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Comments are closed