Wasiirka Arrimaha Gudaha “Duur” Oo Markii Ugu Horaysay Tan Iyo Intii Uu Xilka Qabatay Kormeer Ku Tagay Gobolka Selel
Sep 13, 2012 Saylac (Cadceed) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalilanda Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka soo noqday Shir Caalami ah oo uu kaga qayb galay Dalka Koonfur Afrika ayaa Dalka dib ugu soo laabtay isagoo ka soo talaabay dhinaca Xuduudka Jabuuti.
Maxamed Nuur Carraale Duur waxa uu Kormeer ku soo maray manta Magaalooyin Iyo Tuulooyin ka tirsan Gobolada Awdal & Selel , halkaas oo uu ugu Kuur galayay xaalada Nololeed iyo Amni ee Deegaamadaasi, waxaanu kulamo kala duwan kula yeeshay intii uu jidka ku soo jiray Odayaal iyo masuuliyiinta Dawladda ee Deegaanadaasi ku sugan, gaar ahaana waxa uu kormeeray Goobaha Ciidamaddu ay ka degan yihiin.
Socdaalkan Wasiir Duur ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu ku tago deegaanadaasi tan iyo intii uu wasiirka Arrimaha gudaha noqday waxaanu sheegay in uu halkaasi muddo laba cisho ah u joogi doono sidii uu xog uga soo Ururin lahaa arrimaha wax ka qabashada u baahan ee Deegaamadaasi.
Gaar ahaana waxa uu sheegay Tuuladda Geerisa oo Dab qabsaday u shuf beeshay inuu berri dib ugu noqon doono si uu u qiimeeyo khasaaraha ka dhashay inta uu leeg yahay isagoo xusay inuu caawa Lughaya u hoyan doono berrina ku kalihi doono dadka ay masiibaddu ku habsatay.
Wasiir Duur ayaa ka soo laabtay Shir Caalami ah oo lagaga hadlayay Arrimaha Diiwaangelinta, waxaanu xusay mudadii shirkaasi socday inay ku soos barteen Diiwaangelinta, isagoo xusay inay shirka ka soo qayb galeen laba iyo Afartan wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan. Somaliland ahaana ay u ahayd fursad muhiim ah.