Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Canbareeyay Xadhiga Labada Wariye Ee Boorame Lagu Xidhay
Sep 13, 2012 (Cadceed) – Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa canbaareeyay laba wariye oo Maanta lagu xidhxidhay magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal. Wariye Haashin Sheekh Cumar Good oo ka mid ah wariyayaasha TV-ga Somali Sat, ahna wakiilka ururka Suxufiyiinta ee Solja u jooga Awdal /Salal iyo Wariye Mursal Cilmi Cumar oo u warama Bulsho Tv ayaa Maanta ciidadda amaanku magaaladda Boorama ku xidhxidheen.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo ugu horayn xadhigan ka hadlayay waxaa uu sheegay in hor iyo horaanba Xadhiga Wariyayaasha ay u arkaan gef iyo meel ka dhac loo geystay xuquuqda Warbaahinta iyo xeerarka dalka. Waxaana uu tilmaamay in Xabisaadda ay ka horayso marka hore in haddii loo haysto wariye inuu gef ku kacay loo marro jidka sharcigu ogol-yahay wuxuuna yidhi isagoo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.
“Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrin ku saaban hawlaha aanu masuulka uga nahay Saxaafada ama Suxufiyiinta dalka, arrintaas oo ah mid ku saabsan Xadhiga laba Wariye oo Boorama lagu xidhay. Talaabadaas waxaanu u aragnaa xadgudub, waananu canbaaraynaynaa. Wariyaha xad-gudub sameeya xaq waxaa loo leeyahay in Maxkamadda loo gudbiyo oo lagu dacweeyo, Sharcibaynu leenahay, Xeer 27-baa shaqeeya oo 2004-kii soo baxay Maxkamadduhuu yaalaa” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Solja.
Waxaana uu ugu baaqay Xukuumadda in sidda ugu dhaqsaha badan loo soo daayo Labadda wariye, waxa uu siddoo kale, Xukuumadda kulla taliyay inay joojiso xadgudubyadda ka dhanka ah Warbaahinta Madaxabanaan
Cadceednews, Hargeysa