|

Tacsi: Tiiraanyo Leh Oo Ku Socota Eheladii Marxuum Maxamed C/laahi Raage+ Taariikh Nololeedkiisii.

Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage Oo Si Maamuus Leh Loogu Aasay Boorama Iyo Taariikh Nololeedkiisii
Alle ha u naxariistee waxa magaalada Boorama lagu aasay Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage oo ka mid ahaa aqoonyahanada waawayn ee gobolka Awdal isla markaana waxbadan ka soo shaqeeyay dawladihii dalka soo maray kaasi oo lagu xasuusto waayo aragnimadiisii dheeraadka ahayd ee dhinaca Bangiyada iyo Xisaabaadka.
Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage waxa u ku dhashay magaalada Boorama ee gobolka Awdal bishii February, sanadkii 1947kii, Marxuunku waxa uu waxbarashadaiisii sare dhamaystay sanadkii 1963kii, waxana uu markiiba ka shaqo galay bangigii dhexe ee Somalila isaga oo shaqooyin kala duwan ka qabtay.
Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage oo ahaa nin aqoonta aad u jecel waxa uu sii watay korodhsiga aqoonta dhinaca xisaabaadka ah, waxana uu waxbarashada bilig dirka ee loo yaqaan (distance learning) ka dhigtay machadkii BTC oo uu ka qaatay shacaado BS ah oo dhinaca Xisaabaadka iyo Maaraynta xafiisyada ah.
Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage waxa waxbarasho loogu diray sanadkii 1968dii-1970 dalka Pakistan halkaasi oo uu wax ku soo batay  Machadka Barashada Culuunta Bangiyada isaga oo soo diyaariyay Shahaado sare oo dhinaca Xisaabaadka iyo Maamulka Bangiyada ah.
Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage waxa uu galay oo wax ka sii bartay jaamacadii umada Soomaaliyeed sanadkii 1986kii,  isaga oo si gaar ah u bartay culuunta dhinaca bangiyada ee loo yaqaan Banking Reconciliation.
Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage, waxa uu xil ka soo qabtay intii u dhaxaysay November 1985-December 1990 hayadii caalamaga ahayd ee USAID oo uu ka soo noqday Agaasimaha Waaxda dhinaca Lacagta iyo Maamulka, isaga oo lagu xasuusto kartidii dhinaca shaqada iyo hanaankii hufnaa ee dhinaca xisaabaadka ahayd ee uu muujiyay mudadaasi.
Alle ha u naxariistee Marxuunku waxa uu mudo 20 sano ah ku dhex jiray shaqooyinka dhinaca bangiyada ah ee dawladii Somaliya isaga oo ka qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Agaasimayaal Guud iyo Agaasime Waaxeedyo kala ah xafiisyadii Bangiga dhexe ee Magaalooyinka, Muqdisho, Hargaysa, Barbara Gaalkacayo, Baladwayne iyo Baraawo, waxana uu ku  caan baxay amaano iyo hawlkarnimo, sidoo kale waxa uu mudo 7 sano ah la soo shaqeeyay hayado caalami ah oo uu dhinaca xisaabaadka wax badan kala soo qabtay.
Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage oo ahaa aqoonyahan dhiiran, jecelna in amaanada iyo waajibaadka loo guto sida ay yihiin waxa uu waayo aragnimo shaqo u tahay dalal tiro badan oo ay ka mid yihiin Thailand, USA,  Masar iyu Tuuniisiya halkaasi oo uu ku soo korodhsaday aqoonta dhinacyada Maamulka Xisaabaadka Dawladaha ee Caalamiga ah, iyo Qorshaynta dhinaca Qoyska oo ku salaysan diinta islaamka.
Alle ha u naxariistee geerida Marxuun Maxamed Cabdilaahi Raage oo dadka reer Boorama ay si wayn uga naxeen ayaa waxa uu ifka ka tagay isaga oo ay da’diisu tahay 65jir.
Inaalilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun

Comments are closed