|

Shirkada Google Oo Diiday Codsi Kaga Yimid Aqalka Cad Ee Mareykanka Si Ay Uga Saarto Youtubeka Video-gii Lagu Cambaareyn​ayey Nabiga SCW.

Sep 16, 2012 Olso (Cadceed).Shirkada Google waxay ku gacan saydhay codsi kaga yimid dhanka Aqalka Cad ee Mareykanka looga taliyo oo ay dalbaday ina laga saaro Video clip-kii lagu cambaareynayey Nabigeena suuban SCWS. Google oo ah tan ayadu iska leh shirkadan Youtube ayaa hada laga isticmaali karin wadamada India , Indonesia iyo Masar kadib markey mudaharadayaal banaan baxaya ayey weeraro ku eekeeyeen safaradaha Mareykanku ku leeyahay wadamadasi ayaka oo ka cadhaysan film-kan lagu ceebaynaayo diinta Islaamka.Inkastoo cadaadis badan lagu saarayo Google inay xayirto videdogan hada wali way diidantahay inay ka saarto Youtube. Mudaharaadadu waxay bilaabmeen taladaddii markii la weerar lagu qaaday Qusuliyadii Libiya ee Mareykanka lagu dilay safiirkii Christopher Stevens iyo sadex kale oo shaqaalihisa ahaa.Jimcihii hore kadib qulqulatooyin ka dhan ah safaaradaha Mareykanka ayuu Aqalka Cad ku dhiirigaliyey shirkada filmka sameysay oo la yidhaahdo Silicom Valley inay ka saaran filmka Innocence of Muslims si toos ahna looga fiirsan Online-ka.

Wariye Xasan Karani
Cadceednews, Oslo, Norway

Comments are closed