|

Qiso Dhex Martay Alle Iyo Adoon Cibaada Badan By Siciid Cabdiraxmaan Ismaaciil

Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi Raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Allah Ayaan kubillaabaynaa Ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allahaasow Calamka iska leh Allahasow ay Usugnaatay Samada iyo Dhulka wax ku Sugan xukunkuna isaga ayaa iska leh
Waxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.
Cabdilaahi Binu Mascuud Allah ha ka Raali Noqdee waxaa uu yidhi waxaan ka Maqlay Rasuulkeenu{scw} waxaa uu yidhi Allah ha Nuuro wajigiisa Qof naga Maqlay hadal Wanaagsan Dabadeedna Gaadhsiiya Walaalihii waxaa laga yaabaa Qofka la Gaadhsiiyay inuu uga anfac badan yahay ka Gaadhsiiyay oo ka la Gaadhsiiyay uu aad ugu Dadaalo Rasuulkeenu{scw} Run Ayuu Sheegay Xabiibkeena Mohamed Ibnu Cabdilaahi ibnu Cabdimudhalib
KU SOO DHAWAADA QISO CAJIIB AH WALAALAYAL Barakalaahu Fiikum

Qiso Dhex Martay Alle{Sw} iyo Adoon Cibaada Badan Ku Soo Dhawaada Walaalayaal Qisooyinkan Waxaan Idinku Soo Gudbinayaa In Laga Faaidaysto Allana Wakaa Ku Leh Quraanka Kariimka Ah Nabi Mohamed{Scw} Waani Waanadu Waxay Wax Utartaa Dadka Muslimiintee oo ay Anfacdaa ilaahay Run Ayuu Sheegay Ciso iyo Sharaf isaga ayay Usugnaatay Allah shay kasta Xagiisa Unoqnayo waxaana sharaf Mudan Xabiibkeena Mohamed{Scw} Iyo Saxaabadiisii Qiimaha Badnayd Hadaba ku soo Dhawaada Qisadan hordhac horta maxaad ka Taqaan Malaigan Sharaf badan waa Malaigu jibriil oo ahaa macaliinkii anbiyada allah uu soo dirsaday malaaigu jibriil waa Malaaiga uu Allah wacyigiisa ku Aaminay Calayhi Salaam Malaaigu jibriil waxaa uu Rasuulkeenu{scw} inoo tilmaamay in Malaaigu jibriil leeyahay 600 oo Garab oo Garabkii kaliya uu fidiyo uu cadceed dhaca iyo cadceed soo bax qarinayo

Malaigu Jibriil {calayhi salam} ayaa Nabigeena Suuban {scw} Usheegay Qiso Cajiib ah jibriil wuxuu yidhi waxaa jiray Nin ilaahay{Sw}Caabudayay 500 oo Sano oo isku Xigta wuxuu ku Noolaa Buur korkeeda Buurtaasna Waxaa Hareereeyay Bad weyn oo Dhanaan ah Hase ahaatee Allah Awood badan leh ayaa Buurta korkeeda Ukeenay il Biyo Macaan ah Taas oo uu ka Cabi jirey una isticmaali jiray Wayso

Waxaa sidoo kale la siin jiray Miraha Geedka Rumaanka ah {pomegranate} oo Buurta Dusheeda ka bixi jiray

Maalin maal Maha ka mid ah ayaa isagoo Duceysanaya ayaa Wuxuu ilaahay {Sw} ka Baryay inuu Geerida u Keeno isaga oo Sujuudsan Allah Awood Badan leh wuu ka aqbalay oo waxaa la Oofsaday isagoo oo Sujuudsan jibril Wuxuu yidhi Maalinta Qiyaamo ilaahay {sw} Wuxuu amri Malaaiigta inay Ninkaasi Jannada ku Geeyaan Raxmaddiisa Darteeda Hase yeeshee ninkaasi ayaa Dalban Doono in jannada lagu Geeyo camalka uu Shaqaystay Darteed

Kadib ayuu ilaahay {sw} Amri Doonaa Malaaiigta inay is Barbar Dhigaan camalkiisa iyo Nicmooyinkii ilaahay {sw} ugu deeqay

Markaas ayaa waxaa Cadaan doonto in cibaadadiisii 500 sano ahayd aysan Xataa udhigmin Nimcada isha Wax lagu arko ee la siiyay markaas ayaa Malaaigta Sharafta leh Allah amray inay Ninkaasi u ka Xeeyaan Dhanka Naarta aad iyo aad ayuu Ninkii uqeyliyay isagoo Allah ka Dalbaday Allow Naxariistaada igu geli janada

Hadaba Waxaan Rasuulkeenu {Scw} Saxaabada ku yidhi mid idinka Mid ah kuma Galayo janada Camalkiisa waxay saxaabadu yidhaahdeen Xataa adiga ayaa Rasululaah Xataa aniga ilaa uu Allah Naxariistiisa igu galiyo maahee run ayuu sheegay Xabiibkeena Mohamed {scw}

Dabadeed Hadalkaan ayaa Dhex maray Allah iyo Adoonkiisii

1} Allah awood badan leh waxaa uu adoonkisii ku ydihi adoonkeygiyow yaa ku abuuray?

Adoonkii Allah weynow adaa I abuuray

2} Allah awood badan leh ma waxaa lagu abuuray camalkaada wanaagsan dartiis mise raxmadayda darteed?

Adoonkii raxmadaada darteed allah weynow

3} Allah awood badan leh waxaa uu yidhi yaa ku siiyay 500 oo sano ood ilaahay {sw} ku caabudo?

Adoonkii Allahayow adiga ayaa Awoodaas isiiyay

4}Allah awood Badan leh waxaa ku yidhi adoonkiisa yaa ku kor geeyay Buurtii bada ku wareegsaneyd? Yaa kuu Suura galiyay in il biyo macaan ah oo Soo dhex maraan baddaas oo aad ka Cabto? Yaa ku siiyay Geed Rumaan ah oo Buurta kaaga kor Baxo? Yaa ku oofsaday adiga oo sujuudsan kaana aqbalay ducadaadii?

Adoonkii Allah waxaa uu ku jawaabay yaa Razzaq Allah weyne waa adiga waxaa oo dhan I falay

Allah Awood Badan leh Waxaa uu ku yidhi Adoonkiisi saalix ahaa Hadaba waxaan oo Dhan waxay ku Dhaceen Naxariistayda darteed maantana waxaad Jannada ku gali Naxariistayda darteed oo Kaliya

Fiirso ilaahay {Sw} Naxariistiisa iyo Galadaha uu na siiyay ayaa Marwalbo ka badan wax walbo oo kale Xaqa aan ku Leenahay Markaan Waajibaadkiisi Gudannana ma jirto madaamo inta uu na Siiyay oo ka mid yihiin adimaha aan Cibaadada ku Gudanayo uu isaga na siiyay Allahayow Adiga ayaa ku mahadsan adiga ayaa xaq u leh in lagu Caabudo habeen iyo Dharaarba Waxaana Mucjiso weyn inoo ah Quraankiisa oo ah hadalkiisa qiimaha badan leh ee shay kasta aad ka dhex helayso

Siciid Cabdiraxmaan Ismaaciil
siciid_muscab@hotmail.com

Comments are closed