Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xalay Mudanayaasha Baarlamaanka U Sheegay Inuu Dhawaan Soo Magacaabi Doono Raysul Wasaare Lagu Farxo
Sep 19, 2012 Muqdisho (Cadceed) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casuumad u fidiyey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah musharixiintii kula tartamay xilka madaxtinimada doorashadii dhowaan ka dhacday Muqdisho.
Martiqaadkan uu sameeyay madaxweynaha oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo labada gudoomiye ku xigeen ee baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal uu ka jeediyey xaflada cashada kadib wuxuu mudanayaasha baarlamaanka uga mahadceliyey shaqadii ay soo qabteen tan iyo markii iyaga la soo magacaabay bishii August ee sanadkan, isagoo ugu hambalyeeyay isbedelka dhanka hogaanka ee dalka ka dhacay kaasoo uu sheegay in baarlamaanka uu horseed ka yahay.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale si hordhac ah mudanayaasha ugu sheegay in weli uu ku gudajiro xulista shakhsiga noqonaya raysul wasaaraha xukuumadda cusub ee dalka ka dhalaneysa, wuxuuna mudanayaasha u sheegay inuu weli heysto waqti ku filan.
“Waxaan rajeynayaa in xukuumad iyo raysul wasaare lagu farxio aan soo magacaabi doono” ayuu yidhi madaxweynaha habeenkii xalay.
Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka uu u taagan yahay sii wadida isbedelada isla markaana mudadada afarta sano ee soo socota ay qaban doonaan shaqooyin dalka iyo dadkaba muhim u ah ayna ugu horeyso in afar sano ka dib qof kasta oo Soomaaliyeed uu awood u yeesho inuu codkiisa dhiibto.
Gudoomiye Jawaari ayaa ballanqaaday inuusan jiri doonin baarlamaanka dhexgala shaqada xukuumadda isla markaana waajibaadka baarlamaanka uu yahay inuu soo saaro ilaaliyana sharciga dalka.
Kulankan ayaa noqonaya is aragii ugu horeeyay oo si toos ah u dhexmara madaxweynaha cusub iyo baarlamaankii isaga soo doortay 10-kii bishan Sebtembar.
Cadceednews, Muqdisho