|

Madal Axsaabta Siyaasadu Ku Saxeexday Anshaxa Doorashadda Oo Ay Isku Maandhaafeen Komishanka Iyo Xisbiga UDUB

Sep 14, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Komishanka Doorashooyinka, Inta badan Ururrada iyo Axsaabta Siyaasada Somaliland ayaa si wada jir ah u saxeexay Xeerka Anshaxa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka (Code Of Conduct). Iyaddoo madasha uu buuq ka abuurmay.

Shir ay shalay wada yeesheen Komishanka, Ururada Siyasada iyo Axsaabta oo ka dhacay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran ee UDUB, Kulmiye Iyo UCID, halka ay Ururada Siyaasada-na ay ka soo xaadireen Xaqsoor, Wadani, Umadda, Dalsan iyo Nasiye. Siddoo kale, waxa joogay xubno ka socday Ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

Ugu horayn Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise-xamari) oo shirkaas ka hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan u mahad naqayaa Xisbiyada iyo Ururada ka soo qayb-galay inay saxeexaan Xeer hoosaadkan doorashadda, waxa kale oo aan mahad naq siinayaan Ururada caalamiga ah ee iyaguna inala fadhiya ee ay IRI ka mid tahay iyo kuwa guddaha ah ee inala jooga-ba ee Akaadamiyaddu ka mid tahay, waxa xeer-hoosaadkan muhiimadiisa ugu weyni tahay hab-dhaqanka ololaha Doorashadda oo ay ka mid tahay in loo sinaado Warbaahinta Dawladda, ta madaxbanaan Warbaabinta kale lafteeda in si cadaalad ah ay u ogolaadaan xubnaha cidii wakhti ka iibsanaysa si siman inay uga iibin karto dhamaan ururadda ama xisbiyadda, waxa ka mid ah in Hantidda iyo Gaadiidka dawladda in aan cidina si gaar ah u isticmaalin, waxa ka mid ah in Komishanku balan-qaaday inuu Wareegto ka soo saarayo Madaxweynaha aanu shalay ka kulanay Madaxweynaha Xalayna ay soo baxday Wareegtadaasi, Waajibka kale ee saaran ee Xeerhoosaadkana waxa ka mid ah inuu sameeyo Guddi-hoosaad daba-gasha habsami u socdka Doorashadda”

Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yera) oo Shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihii sexeexida xeerka anshaxa doorashada golaha deegaanka, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay Ururka Dalsan waxaanu diyaar u nahay in aanu fulino dhamaan wixii shuruuc ah ee yaala Dalka kuna dhaqano, xeerkaa anshaxa doorashada diyaar baanu u nahay in aan u saxeexno”

Guddoomiyaha Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yahay saxeexida xeerka anshaxa doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland, waxaanu “Waxaan halkan ka cadynayaa aniga oo ka wakiil ah Waddani in aanu diyaar u nahay oo aanu ku dhaqano Shuruucda doorashadda jamhuuryadda Somaliland, waxaanan faraynaa taageerayaashayadda inay ku dhaqmaan shuruucdaas waxaanu faraynaa inay anshaxa iyo nabad-galyadaba ilaaliyaan. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno dhamaan ururadda iyo axsaabta Somaliland, waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hay’addaha kale ee ay khusayso arrinta doorashaddu, waxaanan diyaar u nahay in aanu saxeexno heshiiskan anshaxa doorashadda”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo Shirkaas ka hadlay, waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye wuxuu diyaar u yahay inuu xeerkaas uu maanta halkan ku saxeexo, waxa kale oo aanu halkan ku cadaynaynaa in aanu diyaar u nahay fulinta iyo ku dhaqanka xeerka aynu halkan ku saxeexayno iyo xeerarka kale ee doorashooyinka iyo Shuruucda kale ee dalka, qoladayada xisbul xaakimka ee Sharciyadan lagu xakamaynayo ee la soo eegayaanu nahay oo Komishanku waa kuwan halkan ka cadeeyey ururrada iyo axsaabtuna goob joog baan ka wada ahayn in looga baahan yahay Madaxweynuhu inuu saxeexo in aanay cid-na isticmaali karin hantida qaranka cida laga ilaalinayaana waa qoladda xisbul xaakimka, taana waxaanu balan-qaadaynaa in aan naloogu iman wax hanti qaran ah oo aanu isticmaalayno”

Waxa kale oo iyaguna Shirkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Xisbiga UCID, Xaqsoor iyo Umadda oo dhamaantood sheegay inay diyaar u yihiin xeerka anashaxa doorashooyinka goleyaasha deegaanka, halka Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Nasiye Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) ayaa sheegay inay gabi-ahaanba qaadaceen ka qayb-galka Doorashada golaha deegaanka.

Gudoomiyaha Nasiye waxa uu arintaasi ku sababaayey Shuruudaha lagu kala reebayo murashaxiinta iyo Ururada Siyaasada oo uu ku tilmaamay kuwo adag una baahan in lagu sameeyo wax ka badal. Mar uu saxaafadda la hadlay, waxaana uu eedayn culus u jeediyey Komishanka Doorashooyinka oo ay sheegeen in aanu dhex dhexaad ahayn iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo ay ku tilmaameen in aanay daacad ka ahayn samaynta Shuruucda dalka.

Dhinaca kale, Xisbiga UDUB ayaa isagu naqdiyay hanaanka wax loo waddo. Iyaddoo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cadde uu Erayo buuq dhaliyay kaga tiraabay Shirkaas.

Raabi Cabdi Maxamed oo ka tirsan Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo isna Shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cadde uu badheedho sida Guddoomiyaha Ururka Nasiye oo uu yidhaahdo waxba diyaar nooma aha, waxaanu yidhi “Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB sidii Guddoomiyaha Ururka Nasiye waxay ahayd inuu iska badheedho oo uu yidhaahdo waxbaan diyaar noo ahayn ee dib noogu dhiga, waxa kale oo wanaagsan in Qofku uu qirto dambigiisa oo aan u cid kale eedayn”

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cadde oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku tiiraabay kalmado ah sidan “Ninkii u hadlayey Komishanka Been buu sheegay waxna kama jiraan, diyaar waxaanu u nahay in aanu kaxayno Komishanka intooda kale iyo dhamaan Warbaahinta oo aanu tusno Liisaskayagii oo wada sax ah 17 Degmo, laakiin waxaanu leenahay ka qayb-gali mayno khiyaamo, arrin lagu bur-burinayo iyo Qabyaalad inta aanu cid xaq keenta maasha mana ogolin doorashadda”

Comments are closed